Dr. Maxamuud Yuusuf oo murrashaxnimadiisa Golaha Wakiillada  lagu shaaciyey Madal kulmisay bahweynta Kulmiye iyo Taageerayaashiisa

0
778
“Waxaanu halkan idiinku soo bandhignay Murrashax hantidiisii iyo codkiisiiba sita oo aan u soo shaqo tegayn Xisbiga, oo aan u soo shaqo tegayn Baarlamanka..” Siyaasi Siciid Bustaale

Qore. Saleeban kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Munaasibad lagu qabtay maanta Magaalada Hargeysa oo ay ka qaybgaleen xubno kamida hogaanka, guddida fulinta, Golaha dhexe iyo Maamulka heer gobol ah ee Xisbiga Kulmiye, ayaa lagu shaaciyey Murrashaxnimada Golaha Wakiillada ee Dr. Maxamuud Yuusuf Cilmi oo ka tartami doona Gobolka Maroodi-jeex Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee la filayo in ay sanadkan ka qabsoonto dalka.
Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ka sekow madaxda xisbiga Kulmiye, waxa ka qaybgalay marti-sharaf ka kooban, siyaasiyiin, Cuqaal, aqoonyahan, xubno kamida bahda Caafimaadka, waxgarad iyo dadweyne kale oo kamida taageerayaasha Murrashaxa oo Rag iyo Haweenba isugu jira, kuwaasoo golaha shaacinta ugu fooladeeyey taageerada ay la garab joogaan Murrashax Dr. Maxamuud, balan qaadayna in ay cod iyo cududba la garab-taagan yihiin.
Xasan Mowliid Axmed oo kamid ah waxgaradka deegaanka Murrashaxan soo xushay oo ugu horayn munaasibada ka hadlay, ayaa sheegay in markii ay ku qanceen, aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa ay isku raaceen murrashaxnimada Dr. Maxamuud.
Farxaan Xaaji Maxamuud iyo Siciid Bustaale oo iyaguna kamida deegaanka Murrashaxani u tartami doono, ahna guddida agaasinka iyo la shaqaynta Murrashaxa, ayaa halkaasi kaga dhawaaqay in Dr. Maxamuud Yuusuf Cilmi uu yahay murrashaxa deegaankoodu isku raaceen oo aanay jirin cid kale oo  ka barbar tartamaysaa.
“Waxaanu halkan idiinku soo bandhignay Murrashax hantidiisii iyo codkiisiiba sita oo aan u soo shaqo tegayn Xisbiga, oo aan u soo shaqo tegayn Baarlamanka oo hantidiisii iyo dadkiisiiba wata, laakiinse Geel kiis idiinmaanu keenine Dhakhtarbaanu idiin keenaye naga guddooma”ayuu madasha ka shaaciyey Siyaasi Siciid Bustaale oo kamida hormuudka beesha uu Murrashaxani ka soo jeedo.
Cuqaasha Ardaayada Beesha Murrashaxa oo iyaguna xaflada hadallo ka jeediyey, ayaa cadeeyey in ay wakhti dheer ka baaraan-degayeen, ugu dambeyna ay ku qanceen in uu Murrashaxan Dr. Maxamuud yahay shakhsi  kaga gadmayo saaxada tartanka Doorashada Wakiillada oo leh aqoon iyo karti uu ku gudan karo Xilka, kagana bixi karo geediga Doorashada ka horeeya.
Cuqaasha ayaa Xisbiga Kulmiye uga mahad celiyey sida wanaagsan ee ay u  qaabileen Murrashaxa iyo taageerayaashiisa.
Masuuliyiin uu kamid yihiin Guddoomiyaha Komishanka Tamarta ee Qaranka Axmed Cali Caddare, Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Hadhiye iyo Xoghayihii hore ee Xisbigaasi Xasan Siciid oo madasha hadal ka jeediyey, ayaa Murrashaxa ugu duceeyey in uu alle u fududdeeyo miidaanka tartanka, kuna booriyey taageerayaashiisa in ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan, iyagoo dhinaca kale tilmaamo ka bixiyey sifooyinka shakhsi ee Murrashaxa oo ay dhamaantood isku raaceen in uu yahay Nin ku haboon, kana soo bixi kara masuuliyadda xildhibaannimo ee u tartamayo.
Murrashax Dr. Maxamuud Yuusuf Cilmi oo ah aqoonyahan lagu tilmaamay in uu door weyn ka soo qaatay dib-u-dhiska dalka, ayaa khudbad uu ka jeediyey xaflada waxa uu sharaxaad kaga bixiyey masuuliyada mansabka xildhibaanimo ee uu tartanka u gelayo iyo waajibaadka saaran taageerayaashiisa oo uu si weyn ugu mahad-naqay, muujiyeyna sida ay ugu heellan yihiin.
“Golaha Wakiilladu muhiimad aad u weyn ayuu leeyahay, wuxuu kamid yahay saddexda awoodood ee dawladdu ku dhisan tahay, markaa waa masuuliyad aad u weyn baa ku hortaalla haddaad doonayso in aad u tartanto xildhibaan”ayuu yidhi.
isaga oo hadalka sii wata waxa uu kula dardaarmay taageerayaasha “Waxaan taageerayaasha ku boorinayaa maanta xisbiga Kulmiye ee aan ka sharaxanahay wuxuu qabtay waa la garanayaa oo cidna kama qarsoonna, waxaan u taaganahay in aan wixii Karaankayga ah isla garab taago, idinkana waxaa idinla gudboon in aad codka nagu taageertaan”
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo gebagebadii munasibada ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday in musharaxan xisbigu aqbalay iyada oo aan deegaanka uu ka soo jeedaa aanay fagaaraha keenin, kuna qaateen aqoonta, kartida iyo masuuliyada qofeed ee uu leeyahay.
Guddoomiyuhu waxa uu cadeeeyey in Murrashax Dr. Maxaamuud safka hore kaga jiro Liiska Murrashaxiinta ilaa iminka u diwaangashan xisbiga  “haddaanu xisbiga Kulmiye nahay diyaarbaanu u nahay, hore ayaanan u qaadanay oo sanad ka hor ayaanu Liiskiisa haynay, idinkana codka ayaa laydinka rabaa in aad siisaan oo isugu tagtaan, haddii hore wax inooga khaldameen aanay sanadkan inaga khaldamin”ayuu yidhi Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere.
Dhinaca kale, Xubno isugu jira Waayeel, Haween iyo dhalinyaro ka tirsan taageerayaasha Murrashax Dr. Maxamuud Yuusuf Cilmi, ayaa iyaguna halkaasi ku soo bandhigay taageerada mugga iyo miisaanka leh ee ay la barbar taagan yihiin Murrashaxooda, waxaanay balanqaadeen in ay Sawdka iyo sacabkaba ugu hiillin doonaa ilaa maalinta u dambeysa ee  Doorashada loo dareerro.
Halkan ka daawo Muuqaal:

Murrashaxa Dr. Maxamuud ayaa kamid ah Murrashaxiinta wakhtiga dheer u samrayey muddeynta wakhtiga Doorashada ee tacabka badan geliyey diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee wajigeedii labaad hadda socdo.

Leave a Reply