Ardayda Wax-ka-barata Machadka Culuumta Biyaha Somaliland ee Xaaji Cabdi-waraabe

0
491

Hargeysa (Dawan) Ardayda wax ka barata Machadka barashada culuumta Biyaha ee Xaaji Cabdi Waraabe ee magaaladda Hargeysa ayaa ka warbixiyey waxbarashada kala duwan ee ay ku qaataan machadkaasi.

Ardayda wax ka barata machadkan Barashadda Culuumta Biyaha oo ka kala yimid goboladda Somaliland ee kala duwan ayaa sheegay in ay machadkan oo hoos taga wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland ay ku bartaan habka biyo gelinta, hagaajinta iyo ka shaqaynta mashiinadda iyo dabka, iyaga oo tilmaamay in aanay hore u hayn aqoonta ay machadkan ku barteen.

Ardaydan ayaa tilmaamay in ay wax badan ka faa’iideen, isla markaana ay ka barteen Machadka barashada Culuumta biyaha ee Xaaji Cabdi Waraabe,waxaanay sheegeen in ay goobtan sidoo kale ku bartaan sida loo xidho qalabka cad ceeda dabka lagaga dhaliyo ee Solarta loo yaqaano, kuwaas oo ay ku bartaan qoraal ahaan iyo taabasho ahaanba.

Maamulaha guud ee Machadka Culuumta biyaha Somaliland ee Xaaji Cabdi Waraabe  Mustafe Ciise Xuseen (Mustafe Xabbo) ayaa isna ka warbixiyey Machadkaas iyo waxyaalaha lagu barto, isaga oo tilmaamay in machadkan loo aas aasay baahi weyn oo loo qabo dhinaca biyaha horumarintooda iyo cilad ka saaristoo, gaar ahaana goobaha miyiga iyo tuulooyinka ah ee ciladuhu ku yimaadaan.

Waxa uu Mr Mustafe Ciise sheegay in machadkaas lagu barto saddex qaybood oo kala ah qaybta Laydhka iyo Solarta iyo qaybta culuumta biyaha.

Machadkan oo lixdii biloodba ay dufcad arday ahi ka baxaan ayay waqtigan ardayda ku jirta ka kala socdaan goboladda Sool, Awdal ,Buuhoodle iyo gobolo kale.

Leave a Reply