Wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland oo Olole ka fulisay Degaano…

0
540

Oodweyne (Dawan) Isu duwaha wasaaradda Degaanka iyo horumarinta reer Miyiga ee gobolka Daad Madheedh iyo xubno ka tirsan shaqaalaha wasaaraddaas iyo odayaasha degaanka Goraya ood oo ka tirsan gobolka Daad-madheedh ayaa hawlgalo lagula dagaalamaayo dhuxulaysiga ka fuliyey degaankaasi.

Isu duwe Cabdikhadar Odowaa Xaaji Abokor ayaa sidoo kale kulan la qaatay odayaasha, wax garadka iyo dadweynaha degaankaasi Goraya ood, isaga oo kala hadlay sidii laysaga kaashan lahaa ilaalinta degaanka iyo la dagaalanka Dhuxulaysiga.

Isu duwaha oo la hadlay dadka degaanka ayaa ka codsaday in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka dhuxulaysiga iyo sidoo kalena oodashada seereyaasha,isaga oo uga mahadceliyey dadka degaankaasi sida ay wasaaradda ugu garab siiyaan la dagaalanka waxyeeladda degaanka, waxaanu u balan qaaday in ay ka wasaarad ahaan wax ka qaban doonaan dhuxulaysiga iyo seerayaasha sharci darada ah ee degaankaas laga samaynaayo.

Waxa uu isu duwaha wasaaradda Degaanka iyo horumarinta reer Miyiga ee gobolka Daadmadheedh sheegay in ay degaano badan ka rareen dhuxul laga shidaayey, degaanadaas oo ay dagaal weyn ka galeen.

Waxa iyaguna goobtaas ka hadlay qaar kamid ah dadweynaha degaanka Goraya Ood oo ku bogaadiyey dagaalka iyo dedaaladda ay wasaaradda Degaanka iyo horumarinta reer Miyigu kula jiraan ,uguna jiraan la dagaalanka dhuxusha iyo seereyaasha layska oodanaayo.

Leave a Reply