Laascaanood (Dawan) Cisbitaalka weyn ee magaaladda Laascaanood ayaa lagu wareejiyey deeq qalab caafimaad ah oo loogu talo galay in lagu qalabeeyo cisbitaalkaasi.
Deeqdan oo ay bixisay shirkadda Hass, isla markaana ay usoo wakiilatay ganacsade Maxamed Jabuutaawi ayay si rasmi ah ula wareegeen masuuliyiinta cisbitaalka magaaladda Laascaanood.
Waxa ugu horeyn goobta qalabkan caafimaad lagu wareejinaayey ka hadlay Ganacsade Maxamed Jabutaawi oo sheegay in shirkadda Hass ay soo gaadhsiisay 200 oo sariirood oo cusub, kuwaas oo loogu talo galay cisbitaalka TB-da ee magaaladda Laascaanood.
Dhankoodana Agaasimaha Cisbitaalka magaaladda Laascaanood Marwo Fihiima Jaamac iyo Isu duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Sool iyo Agaasimaha waaxda TB-da oo goobta qalabkan lagu guddoomay ka hadlay ayaa u mahadceliyey masuuliyiinta shirkadda Hass ee qalabkan soo gaadhsiisay cisbitaalka degmada Laascaanood iyo Ganacsade Maxamed Jabuutaawi ,waxaanay tilmaameen in qalabkan caafimaad oo u badan sariiro ay la socdaan qalabkoodii, isla markaana qalabkani ahaa mid ay si weyn ugu baahnaayeen.