Hargaysa: Fal Celinta Buug ka Hadlaya Muhiimadda iyo Shuruucda Ciyaaraha

0
547

Hargeysa (Dawan)- Buug ka hadlaya muhiimadda iyo shuruucda ciyaaraha kaas oo ciwaankiisu yahay, dunida horumartay habkee ayay u maareeyeen abaabulka ciyaaraha iyo jimicsiga ayaa lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaland. Buugan oo markii hore ku qornaa afka Ingiriisiga, balse waxa afka hodanka ah ee Soomaaliga ku turjumay qoraaga buugan Fahad Maxamed Jaamac, si ay bulshada ku hadasha luuqada Soomaligu ay wax uga bartaan shuruucda ciyaaraha, nuxurka aqooneed ee ku duugan jimicsiga iyo caafimaadka ciyaaraha.

Buugan oo lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa waxa si togan uga falceliyay isla markaana falanqeeyay dulucda buugan, aqoonyahanno ay ka mid yihiin Axmed Maxamed Diiriye oo ku hadlayay afka qoraaga buuga, Khaalid Maxamed Aadan oo ah guddoomiyaha Gogas, Cabdiladiif Geelle oo ka tirsan masuuliyiinta madbacadda Hill Press iyo Professor Mukhtaar Maxamed Caabbi oo hormuudka kulliyada adeega bulshada ee Jaamacadda Hargeysa, waxaanay dhamaantood tilmaameen in buugani muhiimad weyn u leeyahay da’yarta Soomaalida ee ciyaaraha ku hawlan.

Aqoonyahan Axmed Maxamed Diiriye oo ku hadlayay afka qoraaga buugan ayaa waxa uu yidhi “Buugan waxa qoray Fahad Maxamed Jaamac, waxaanu nuxurka buugani uu ka hadlayaa sirta ku duugan ee waddamada horumaray ay u maareeyeen horumarinta ciyaarahooda. Gaar ahaan buugani waxa uu diirada saarayaa, isla markaana aad u faahfaahinayaa qaababka kala duwan ee loo horumariyo ciyaaraha, hadday tahay marka garoonka lagu jiro sida loo maamulo iyo hgadday tahay marka ilmuhu yaryahay ee uu dugsiga hoose ku jiro sida loo soo tababaro ee loogu barbaariyo ciyaaraha.”

Khaalid Maxamed Aadan ayaa isaguna ka falceliyay dulucda iyo nuxurka buugan, waxaanu yidhi “Ka dhalinyaro ahaan anaga ka tallaabo qaadanayna hababkii ay u ciyaarayeen dhalinyaradeeni reer Somaliland ee aqoontooda ciyaareed ku soo bandhigay tartankii gobolada Somaliland, buugani waxa uu ka baahi tiri-doonaa ama soo saari doonaa hogaamiyayaal dhinaca ciyaaraha ah iyo dhalinyaro firfircoon oo aqoon ciyaareed oo fiican leh.” Cabdiladiif Geelle oo ka tirsan masuuliyiinta madbacadda Hill Press ayaa sidoo kale isaguna ka hadlay buugan, waxaanu yidhi “Waxaa sharaf noo ah hadaanu nahay madbacada Hill Press in ay kaalin wayn ka qaadato turjumida iyo daabacaada buugan. Sida aad ka warqabtaan kaalin wayn ayay ku leedahay kubadda cagto is dhex galka bulshada iyo nabadgelyada.” Professor Mukhtaar Maxamed Caabbi oo hormuudka kulliyada adeega bulshada ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa sharraxaad ka bixiyay nuxurka iyo dulucda buugan, waxaanu yidhi “Buugan mustaqbalka waxaa lagu turjumi doonaa luuqada Soomaaliga oo hadda ku qoran afka Ingiriisiga, buugani waxa uu ka dhigayaa ciyaarihii in waxbarasho looga soo baxo illaa dugsi hoose ilaa heer jaamaceed, markaa qoraaga buugan waan soo dhawaynayaa qoraaga iyo fikirkan fiican ee uu wato inagana muhiim ayay inoo tahay hawshaa uu wado oo aynu la dhisno.”

Leave a Reply