Somaliland oo laga Helay Lix iyo labaatan Foosto oo Shidaal Ah

0
680

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), ayaa sheegay in sannadkii 1959-kii degaanka Dhagax-shabbeel oo ka tirsan gobolka Saaxil, laga helay lix iyo labaatan foosto oo shidaal ah.

Sidoo kale waxaa uu  intaas ku daray in deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobollada dalka lagu sameeyay sahamin shiidaal isla markaana ay baadhitaanadaasi sheegayaan in dalka uu shiidaal ku jiro.

Waxaanu xildhibaanku sidan ka sheegay mar uu warbixin la xidhiidha xeerka sahaminta shidaalka iyo soo saaristiisa ka hor akhriyay mudanayaasha golaha wakiillada, kaas oo uu  sheegay in ay wax-ka-badal iyo kaabis ay ku sameeyeen,  isaga oo mudanayaasha golaha wakiillada ka codsaday in ay ansixiyaan.

Halkan ka Daawo

 

 

 

Leave a Reply