Maamulka Degmada Berbera oo Bilaabay Dhismaha waddo Cusub

0
510

Berbera (Dawan)-Dawladda hoose ee degmada Berbera ayaa bilowday hirgelinta waddo isku xidhi doonta qaar ka mid ah xaafadaha degmada Berbera iyo goob loogu talogalay in gaadiidka kala duwan ee rakaabka qaadaa ay ka baxaan.

Waddadan waxa ka warbixiyay ahmiyadda ay u leedahay degmada Berbera iyo guud ahaan isku socodka gobolkaba agaasimayaasha waaxyaha hawlaha guud iyo maamulka maaliyadda ee dawladda hoose ee Berbera, waxayna sheegeen in waddadaasi ay halbowle u noqon doonto gobolka Saaxil iyo guud ahaan dalkaba isla markaana ay ka mid aheyd qorshayaashoodii sannadka cusub ay ugu talo galeen in ay ka fuliyaan degmada Berbera.

Injineer Cali Yaasiin oo ka socday shirkadda Amal iyo Xasan Cige Cilmi oo isna ka mid ah dadka degan xaafadda Barwaaqo oo waddadu sii mari doonto ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan dhismaha waddadaasi ay hirgelinayso dawladda hoose ee Berberi, iyaga oo u mahad naqay mas’uuliyiinta dawladda hoose ee degmada Berbera oo ay sheegeen in ay fuliyeen qorshahoodii ku tala galka ahaa.

Maayirka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) oo gebogebadii halkaas ka hadlay ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan degmada Berbera ay ka raysan doonto baabuurta safarka ah ee magaalada saxmadda geliyay, waxaanu tilmaamay in saamaynta wadadan iyo goobta laga raaco gaadiidka kala duwan ee gobollada u kala baxaa ay magaalada ka qaadi doonto culeyskii ay ku hayeen, isaga oo dhinaca kalena ugu baaqay bulshada in ay ilaashadaan isla markaana ay ku faro adeygaan wax kasta oo horumar ah oo u soo kordha.

Leave a Reply