Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Furay Kulan Laggaga Hadlayey Siyaasadda Cashuuraha

0
523

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa furay kulan hawleed lagu lafo guraayay siyaasadda qaran ee cashuuraha Somaliland ee sanadaha 2021 illaa 2025.

Waxaana ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda maaliyadda, wasiir ku xigeenka, agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda, saraakiil ka tirsan wasaaradda horumarinta maaliyadda, agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga, xoghayaha guud ee rugta ganacsiga, xubno ka socday Jaamacadaha dalka iyo ganacsato.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan, oo sheegay in u jeeddada kulan hawleedkaasi tahay sidii ganacsatada iyo daneeyayaasha kale ee cashuuruhu ay talo ugu darsan lahaayeen dejinta siyaasadda qaran ee cashuuraha dalka ee sannadaha 2021 illaa 2025, oo uu sheegay in ujeedada ugu dambaysan ee laga leeyahay inay tahay sidii loo hagaajin lahaa isla markaana loo fudidayn lahaa hannaanka cashuuraha dalka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo furey kulan hawleedkaasi ayaa ka waramay muhiimadda ay cashuuruhu ugu fadhiyaan qaranka, waxaanu xusay in cashuuraha dalka intooda badani ay ku baxaan arrimaha amniga, maamulka, waxbarashada, iyo caafimaadka oo kaalin weyn ugu jirta bulshada Somaliland.

gebogebadii waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga Cabdiraxmaan Abdeeq iyo xoghayaha guud ee rugta ganacsiga Somaliland, waxayna soo dhaweeyeen kulankaasi lagu lafo gurayay siyaasadda qaran ee cashuurha dalka ee sannadaha 2021 illaa 2025.

Leave a Reply