Degmada Balli-gubadle Oo laga Dhagax Dhigay Mashaariic Dhismayaal Cusub

0
437

Hargeysa-(Dawan)-Masuuliyiinta golaha deegaanka ee degmada Balli-gubdle ayaa Dhagax dhigay dhismayaal cusub oo lagu kordhinaayo xarunta dawladda hoose ee degmadaas.

Maayirka degmadda Balli-gubadle Cabdi Iimaan Jaamac iyo Xoghayaha fulinta dawladda Hoose ayaa sheegay in dhismaha cusub oo isugu jira xafiisyo iyo deyr uu noqon doono xarunta horumarinta gobolka, sidoo kalena ay xafiisyo ka siinayaan urur maxali ah oo ka shaqeeya horumarinta gobolka Hawd, maayirka ayaa sheegay in sannadkan cusub ay rajaynayaan mashaariic dhawra oo lagu horumarinaayo degmada.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka Bulshada Balli-gubadle ayaa dhismayaashan cusub ee la dhagax dhigay ku tilmaamay guul iyo wax-qabad muuqda oo ay hirgelisay dawladda hoose ee degmada Balli-gubadle.

Leave a Reply