Xukuumadda Somaliland oo la wareegtay Cisbitaal Dawladda Imaaraadku ka dhistay Burco

0
593

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka, badhasaabka gobolka Togdheer, Maayirka Degmada Burco iyo masuuliyiin ka socday Hay’adda Khalifa Foundation ee dalka Imaaraadka laga leeyahay, ayaa si rasmi ah u daah-furay Cisbitaal dawladda Imaaraadku ka dhistay Magaalada Burco, kaasoo ay hirgelisay Hay’adda Khalifa.

Munaasibada daah-furka Dhakhtarka waxa kale oo goob-joog ka ahaa Saraakiisha Caafimaad ee gobolka oo uu hogaaminayo isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Togdheer iyo xubno kale.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr. Cumar Cali Cabdilaahi oo ka hadlay munaasibada daah-furka Cisbitaalka, ayaa u mahad-naqay dawladda Imaaraadka iyo Xafiiska deeqdani soo martay ee Al Khaliifa Foundation.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply