Wasiirka Arrimaha gudaha oo faahfaahin ka bixiyey Diwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socota Sool iyo Sanaag

0
455

Wasiirka Arrimaha gudaha JSL oo goor dhaweyd Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa faahfaahin ka bixiyey howlaha Diwaangelinta codbixiyeyaasha Doorashada ee ka socda gobolada Sool iyo Sanaag Degmo Doorashooyin ka tirsan.

Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Diwaangelintu hadda ka socoto, Degmada Ceerigaabo, Degmada Laasqoray, Degmada Badhan iyo Degmada Dhahar, kuwaasoo uu tilmaamay in ay si nabad-gelyo ah uga socoto.

Gobolka Sool, ayuu sheegay Wasiirku inay diwaangelintu ka socoto Degmada Laascaanood, Degmada Xudun iyo Degmada Taleex.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in guud ahaan Degmooyinkaas ay Diwaangelintu uga socoto si qurux badan oo aan wax mushkilad ah lahayn, waxaanu hambalyo u diray guddida Doorashooyinka Qaranka, Ciidanka nabad-gelyada iyo cid kasta oo door ka qaadanaysa hirgelinta howshaas diwaangelinta.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay Xukuumadda Somaliland si’ isku tashi ah u fulinayso howsha Diwaangelinta, Dhaqaalaha ku baxayana ay bixinayso, jirinna cid kale oo ka caawinaysaa.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply