Agaasimayaasha Guud ee Warfaafinta iyo Macdanta oo Xilkas la kala Wareegay

0
377

Hargeysa-(Dawan)-Wasiir ku xigeenka warfaafinta, agaasimeyaasha guud ee xilalka la kala wareegayey, agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha gaadiidka iyo gaashaandhiga, guddoomiyaha hay’adda maamul wanaaga, guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex, maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa, agaasime waaxeedyada wasaaradaha warfaafinta iyo Tamarta, shaqaale weynaha labada wasaaradood iyo guddoomiyeyaasha ururada saxaafadda ee Solja, Wija, Fima iyo mudan kale oo lagu marti qaaday xafladaas.
Ugu horreyn waxaa munaasibadaas ka hadlay agaasimaha waaxda shaqaalaha ee wasaaradda warfaafinta Jaamac Cawil Nuux, agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaaradda Tamarta Cabdifataax Cumar, agaasimaha qorsheynta ee warfaafinta Cabdiqaadir Dayib Askar, agaasimaha Telefishanka qaranka Maxamed Xasan Cali (Weji), oo dhamaantoodba siyaabo kala duwan uga sheekeeyey agaasimeyaasha guud ee xilalka la kala wareegayey kartidii, aqoontii iyo horumarkii ay ku talaabsadeen intii ay xilalkaas hayeen, iyaga oo hadalo isugu jira duco, dardaaran, sagootin iyo soo dhaweynba u soo jeediyey mas’uuliyiintaas xilka la kala wareegay.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Gaadiidka, Gaashaandhiga, guddoomiyaha hay’adda maamul wanaaga, guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex, maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa iyo Abwaan Xasan Saleebaan Laab-saalax, oo hambalyeeyey agaasimeyaasha xilka la kala wareegayey allena uga baryey inuu u fududeeyo xilalka qaran ee loo igmaday isla markaana tilmaamay kartidooda iyo aqoontooda waayo aragnimo ee ay u leeyihiin shaqada agaasimeninada.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Solja Sakariye Axmed Muxumed, guddoomiyeyaasha ururrada saxaafadda ee haweenka Wija iyo Fima yaasmiin Axmed Yuusuf iyo Saynab Maxamed Cabdi, oo iyana halkaas ka hadlay ayaa sheegay wada shaqeynta ka dhaxaysa ururrada saxaafadda Somaliland iyo wasaaradda warfaafinta, waxayna tilmaameen in uu si wanaagsan ula shaqeeyey agaasimihii hore ee warfaafintu ahna agaasimaha ee Wasaaradda Tamarta Mukhtaar Maxamed Cali, iyaga oo agaasimaha guud ee warfaafinta ka rajeeyey inay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan.

Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal, oo isna halkaas ka hadlay ayaa ammaan ballaadhan u soo jeediyey agaasimaha guud ee loo soo magacaabay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Maxamed Yuusuf Ismaaciil, oo uu ku majeertay mudadii uu la shaqeynayey shakhsi la yimid karti, aqoon, dulqaad iyo daacadnimo, isaga oo sidoo kalena soo dhaweeyey agaasimaha guud ee loo bedelay Mukhtaar Maxamed Cali, oo uu rajeeyey in si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan.

Dhankiisana agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaacii, oo munaasibadaas ka hadlay ayaa ka xogwaramay waxqabadkii mudadii uu agaasimaha guud ka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, isaga oo tilmaamay inay waxqabad ballaadhan ay ku talaabsadeen intii uu xilkaas hayey, wuxuuna u mahadceliyey mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda macdanta iyo Tamarta oo uu xusay inay si wanaagsan ula shaqeeyeen.
Wuxuuna mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda warfaafinta ee uu hada agaasimaha guud ka yahay u ballanqaaday inuu ku maamuli doono cadaalad iyo sinaan.

Sidoo kale, agaasimaha guud ee Macdanta iyo Tamarta Mukhtaar Maxamed Cali, oo isna madashaas ka hadlay ayaa si qodo dheer isu dultaagay guulihii waxqabad ee ay ku talaasadeen mudadii uu hayay xilka agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, iyo qorshayaasha wax ku oolka ah ee ay u diyaariyeen mustaqbalka, wuxuuna agaasimaha guud ee Tamartu u mahadceliyey shaqaale weynaha wasaaradda warfaafinta oo uu ku ammaanay sidii wanaagsanayd ee ay ula soo shaqeeyeen.
Sidoo kale, waxa munaasibadaas soo afmeeray wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac, oo sagootiyey agaasimihii hore ee warfaafinta ahna agaasimaha guud ee Macdanta iyo Tamarta, wuxuuna uga mahadceliyey wakhtigii ay soo wada shaqeeyeen sidii wanaagsanayd ee ay u soo wada shaqeeyeen, sidoo kalena wuxuu wasiir ku xigeenku soo dhaweeyey agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Maxamed Yuusuf Ismaaciil, isaga oo ballanqaaday inay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan.
Gebogebadii wasiir ku xigeenku waxa uu xikii si rasmi ah ugu kala wareejiyey labada agaasime guud ee wasaaradaha warfaafinta iyo Tamarta, iyada oo agaasimeyaasha guud halkaas lagu gudoon siiyey shahaado sharafyo.

Leave a Reply