Xudun: Xaflad lagu Shaaciyay Musharaxnimada Xildhimaanka Awoowe oo u Tartamaya Wakiillada

0
482

Xudun (Dawan)- Munaasibad ballaadhan oo lagu shaacinayay murashaxnimada Xildhimaan Axmed Maxamuud Caateeye (Awoowe) oo u tartami doono doorashada golaha wakiillada Somaliland, isla markaana ka saharraxan xisbul xaakimka Kulmiye ayaa shalay lagu qabtay degmada xudun ee gobolka Sool.

Munaasibadan oo lagu qabtyay degmada Xudun ee gobolka Sool ayaa waxa soo qayb galay Waxgaradka, Cuqaasha, Dhalinyaradda, Haweenka, masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee Gobolka Sool.

Cuqaasha iyo waxgaradka deegaanka Xudun ee Gobolka Sool ee ka hadlay munaasibaddaasi ayaa dhammaantood sheegay in ay si weyn u taageersan yihiin isla markaan ay si kal iyo laab ah u soo dhawaynayaan xildhibaan Axmed Maxamuud Caateeye (Awoowe) oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiillada ee wakhtigan isla markaana u tartami doono doorashada soo socota ee golaha Wakiillada.

“Munaasibadan quruxda badan ee ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo waayeelka degmada Xudun ujeedada aanu ka leenahay waxa weeye in aanu shaacino xildhibaan Axmed Maxamuud Caateeye oo ah mudane ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, iminkana u tartamaya doorashada inagu soo foolka leh ee golaha wakiillada Somaliland.

Isaga oo ka mid ah murashaxiinta golaha wakiillada Somaliland ee degmada Xudun kana tartamaya oo ka sharaxan xisbiga Kulmiye, anaguna waxaanu ballan qaadaynaa in aanu la shaqayno una codayno” sidaa waxa yidhi mid ,ka mid ah waxgaradka iyo aqoonyahanka degmada Xudun ee gobolka Sool.“Waad aragtaan in degmadii Xudun ay sharaxdasy Xildhibaan Axmed Maxamuud Caateeye (Awoowe), anaguna isaga ayaanu sharaxnay oo aanu la shaqaynaynaa hadaanu nahay cuqaasha deegaanka, waxaanuna bulshada u guddoominaynaa in ay codkooda siiyaan xildhibaanka, waanan ku kalsoonahay, waananuna raacsannahay ka cuqaal ahaan.”

Leave a Reply