Xukuumadda Somaliland oo Xidhay Samsam, Ayaanna Shaqo siisay

0
652

Hargeysa-(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Hargeysa ku xidhay Samsam Ismaaciil Cartan, oo dhawaan gabadh yar oo u shaqaynaysay muuqaal Tacaddiya ka duubtay kuna baahisay baraha ay bulshadu ku kulanto.

 

Dhinaca kale Maamulka Baanka dhexe ayaa shaaciyay in shaqaale rasmiya ay ka dhigeen Ayaan Maxamed Yuusuf, oo ah gabadha ay tacadiga ku samaysay Samsam Isaamciil taasi oo u shaqanaysay.

“Madaxda Sare ee Baanka Dhexe ee JSL, markii ay arkeen muuqaalka lagu baahiyay barraha bulshadda ee ku saabsan gabadha yar ee gacanta ku xidhan calanka JSL, taas oo ay muuqatay ku xadgudub xuquuqiyaadka aasaasiga ah ee gabadha yar, isla markaana ay arkeen duruufaha ku gadaaman qoyska gabadha yar;

Waxaa uu Guddoomiyaha Baanku  Go’aamiyay in gabadhaas yar laga shaqaalaysiiyo Baanka Dhexe ee JSL” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland .

Leave a Reply