Guddoomiyaha Sool oo ka Hadlay Geba-gebadda Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

0
437

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa ka hadlay diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka soo dhamaatay gobolkaasi.

Iyadoo diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo muddo todobaad ah ka socotay goboladda Sool iyo Sanaag ay shalay soo xidhantay.

C/qani Jiidhe, ayaa uga mahad celiyay guddiga doorashooyinka heer qaran iyo heer gobol sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyeen hawsha diiwaangelinta.

Sidoo kale badhasaabka ayaa ku amaanay qaybaha bulshada gobolka Sool oo si habsami leh u qaatay kaalinta kaga aaddan muddadii is diiwaan-gellintu socotay.

Waxaanu yidhi, “Shacabka, waxaan uga mahad-cellinyaa, dawrka ay qaateen.

Si gaara adkaynta nabad-gelyada iyo fahamka dug sanaya bisaylka kasbay in si mug leh ay isku diiwaan geliyaan, si aysan dantooda iyo masiirkooda u go aamiyan xubnaha u metelaya xildhibaanadda goleyaasha 2akiiladda iyo deegaanka”.

“Waa talaabo iyo bog togan oo aynu horre ugu qaadnay dawladnnimada, dimoqraaddiyadda iyo wada-jirka Somaliland.

Si gaara waxaan ugu mahad naqaya masuuliyintii ka soo jeeday gobolka sool ee uu ugu horeeyo guddoomiyaha golaha Wakiiladda iyo xubnihii wasiirradda ahaa.

Sidii wacyigelinta lahayd ee ay bulshadooda u dhex marayeen kuna boorinayeen inay qataan kaadhka diiwaangelinta codbixiyeyaasha” ayuu yidhi badhasaabka gobolka Sool.

Leave a Reply