Maxay tahay waajibaadka laga Doonayaa xubinta ka Mid noqonaysaa xildhibaanada Golaha wakiillada Somaliland?

0
605

Hargeysa (Dawan) Sida ka muuqata dad badan oo sheega inay u sharaxan yihiin waxaad moodaa in golahaasi uu yahay kii fulinta ee laga sugaayay ceelal, iskuulo, berkado iyo arrimo ku taxaluuqa masuuliyada hay’adaha fulinta leh sida xukuumadda, hay’adaha dawlada ee maamul, maayarada iyo golayaasha deegaankooda.

Masuuliyada laga doonayaa golaha wakiilada Somaliland, anigu waxaan ku soo koobi lahaa sida sharcigu dhigaayo inay yihiin gole sharci dejineed, kuwaasi oo masuuliyada ay tahay inay qaranka u qabtaana aan ku soo ururaan doono 3dan waajib.

* In ay dalka ka haqabtiraan dejinta sharuucda qaranka ee uu siiyay distoorka qaranka oo ay awoodoodu ka mid tahay inay curiyaan sharcuuda xitaa haddii ay xukuumaddu ka gaabiso inay u soo gudbiso, si qarankani uu noqdo mid leh xeerar damaanad qaadaaya nolosha shacabka iyo toosnaanta hay’adihiisa dawlada.

* Masuuliyada, ku ilaalinta sharciga xukuumadda, madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dawlada, iyadoo laga doonaayo in madaxweyne la doortay aanu sidii keligii taliye dalka awoodiisa ugu tagri falin oo haddii dastuurka iyo sharciga uu baalmaaro ay u soo golo joojiyaan oo ay sharciga u horgeeyaan ilaa ay xasaanada ka xayuubinayaan.

* iyo dabagalka iyo kormeerka suubanaanta hay’adaha dawlada here walba oo ay ku soo gola joojiyaan masuulyiinta xilalkooda ka soo bixi waaya

Haddaba sidee loo heli karaa gole awood u yeelan kara in uu dib u deraasadeeyo sharciyadii ay horey durdurada iyo laaluushka ku ansixiyeen kuwii ka horeeyay, isla markaana uu u noqon karaa mid awood u yeesha inuu soo gola joojiyo masuul kasta oo ku gefa sharciga iyo suubanaanta maamul ee dawlada?.

Waxa intaasi ay ku iman doonaan in la helo murashixiin ay xulaan xisbiyadda qaranka oo reeraha ka codsada in jilib walba uu soo gudbiyo liis ay la doonayaan oon ka badnayn labo ilaa seddex, kadibna ay xisbi ahaan ku kala reebaan, waayo-aragnimo, karti, aqoon iyo akhlaakh suuban oo qofku yeesho lagana fili karo inuu ku dhaarto inaanu go’aan ku gaadhin laaluush iyo dhaameel loo lulo kuna shaqaynaayo siyaasada xisbiga haddii aanay ka hor imanayn dhaarta guud ee uu qaran ahaan u dhaaranaayo.

Sidaa daraadeed waxaan soo jeedin lahaa in xisbiyadu aanay ku sii deyn beelaha qurba jooga aan xogba ka hayn masuuliyada uu u tartamaayo, waana in sharuudaha lagu daraa xisbiyada in cida tartamaysaa masuuliyad hore qaranka ama hay’ad u dhiganta mid caam ah ka soo hawlgalay, shanti sano ee u danbeysayna uu dalka deganaa.

Waxa Qoray. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)

Leave a Reply