Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo soo dhaweysay ansixinta Xeerka sahaminta iyo soo-saarida Shidaalka

0
904
Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Golaha Wakiillada JSL, ayaa maanta ansixiyey Xeerka sahaminta iyo soo-saarista Shidaalka oo kamid ahaa Shuruucda ku jiray ajandaha Kal-fadhigooda, muddo sanado ahna horyaallay.
Maamulka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo uu horkacayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa uga mahadnaqay Golaha Wakiilada Somaliland ansixinta Xeerka Sahaminta iyo Soosaarista Shidaalka oo qabyoqoraal ku horyaalay golaha in mudo ahba.
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa August 2014 curisay xeerkan iyadoo la kaashanaysa khubaro Norwagean ah oo ay maalgelintooda wasaaradda ka caawisay  shirkadda Genel Energy oo dalka kula jirta heshiiska Wadaagista Waxsoosaarka Shidaalka ee loo yaqaan (Production Sharing Agreement – PSA).
Agaasimaha Waaxda Shidaalka Mudane Ahmed Iidaan Aadan oo ka hadlay shir-jaraa’id oo ay ku qabteen masuuliyiintu xarunta Wasaaradda ayaa isaga oo ka warbixinaya baahida weyn ee loo qabay xeerkan iyo qodobada uu ka koobanyahay, ayaa yidhi “Xeerkan maanta  goluhu uu ansixiyay dalku baahi weyn buu u qabay maadaama uu xeerkani yahay ka lagu hagayo ee lagu maamulayo dhamaan hawlaha sahaminta iyo soosarista shidaalka ee dalka ka socda, xeerkani guud ahaan wuxuu si tafatiran u qeexayaa lahaanshaha khayraadka shidaalka iyo jihada masuulka ka ah maamulidoooda, waxa uu sheegayaa Goobaha Hawlaha Shidaalka laga sahaminayo ama lagasoo saarayo (Oil Blocks) iyoo qaabka dadweynaha xogta loogu gudbinayo, sidoo kale waxa uu dhigayaa mabadi’da guud ee lagu maamulayo Heshiisyadaa wadaagista wax soosaarka (Production Sharing Agreement – PSA) iyo weliba hanaanka ay shirkaduhu usoo dalbanayaan qandaraaska sahaminta iyo saaridda shidaalka, sidoo kale xeerkani waxa uu uu jaangoynayaa siyaasadda iyo tilmaamaha Caafimaadka, Bad-qabka iyo ilaalinta Deegaanka (Health, Safety and environment procedures) ee waqtiga lagu guda jiro hawlaha sahaminta iyo soosaarista shidaalka, dhinaca kalena xeerkani waxa uu cadaynayaa Xuquuqaha uu dalka leeyahay iyo sidoo kale xuquuqaha shirkaduhu ay leeyihiin”
Somaliland sanadihii ina dhaafay waxa ka hirgalay mashaariic sahamin shidaal ah, mahsaariicdaas oo dalku uu ka faa’iday shaqo-abuur, kobac dhaqaale iyo khibrad farsamo oo aad u balaadhan, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Mukhtaar Maxamed Cali oo iftiiminayey ahmiyadda uu xeerkani qaranka u leeyahay iyo waliba sababaha keenay curintiisa, isla markaana uga mahadnaqaya Golaha Wakiilada ansixinta xeerka shidaalka: “waxaan halkan uga mahadnaqayaa Golaha Wakiilada Somaliland ee ansixiyay xeerkan aadka loogu baahi qabay, waxaan si gaar ah u xusayaa Guddida Kahayraadka Dabiiciga iyo Deegaanka iyo Gudoomiyahooda Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo si hagar la’aan ah uga shaqeeyay dibu eegista iyo ansixinta xeerkan, Sidoo kale waxaan jecelahay inaan tilmaamo in xeerkan maanta la ansixiyay ee ah Xeerka Sahaminta iyo Soosaarista Shidaalka ay Wasaaraddu curisay sanadkii 2014 iyadoo la kaashanaysa khubaro Norwegian ah oo ku xeeldheer shuruucda shidaalka; kadib markii ay cadaatay in dalkeena ay ku duugantahay nimcada shidaalka, isla markaana la xaqiijiyay in Somaliland shidaal samaysmay uu ku jiro, balse su’aasha kaliya ee isweydiinta mudan ay tahay shidaalkaasi ma yahay mid ganacsi gal ah oo lasoo saari karo kadibna suuqyada dunida loo iibgaynkaro.”
Agaaimuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay “Waxaan sidoo kale ugu bushaareynayaa shacabka Somaliland iyo shirkadaha shidaalka ee ka hawgala dalka ansixinta xeerkan, oo kaalin mug leh ka qaadan doona soo jiidashada maalgaashi shisheeye oo lagu sahamiyo ama lagusoo saaro shidaalka dalka ku duugan, xeerkan oo inbadan carqalad ku ahaa malgashiga shisheeye ayaanu rajaynaynaa inuu noqon doona furaha guusha sahaminta iyo soosaaridda shidaalka dalka”.
Agaasimuhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay Golaha Wakiilada inay tubta uu xeerkani maray mid la mid ah mariyaan Xeerka Maamulka Dakhliga Shidaalka oo horyaala waqti xaadirkan golaha, kana wada-shaqaynayaan Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo Wasaaradda horumarinta Maaliyaddu.
Fadhiga Golaha oo uu guddoominayey guddoomiyaha Golahaasi Baashe Maxamed, kana soo xaadireen 46 mudane, ayaa waxa ay mudaneyaashu qodob qodob ku ansixiyeen xeerka, iyagoo markii dambena codayn guud u qaaday.

Leave a Reply