Kaboole Ficil Dartii Jaamcad Ku Dhameeyay!

0
564

Waxa uu ahaa oday da’ ah oo madaxiisu cadaaday markii uu soo galay hoolka kulliyadad Arts , dhamaan ardaydii kulliyadaasi way isu wada taageen iyagoo filayay inuu yahay Profosserka.  Laakiin odaygu kurisigiisa ayuu iska fadhiistay sida ardayda kale.

Markii ay xiisaddii dhamaatay ayuu eegay ardaydii waxaana uu ku yidhi  “ Anigu waxaan ahay kaboole, dayactirkaa kabaha ku shaqaysta , dukaankaygu wuxu ku yaalla sekedda ugu horaysa dariiq lagu magacaabo “Kacaanka”.

Waxa aana ahay aabo dhalay 7 caruuur ah oo maanta kala Dhakhtaro, Injineero, sarkaakiil ciidanka ah iyo gabadh iyaduna kalkaaliso caafimaad ah” .

“Habeen kasta marka qoyskagu iska sheekaysanayaan oo caruurtayda oo dhami falanqaynayeen cilmiga iyo aqoonta, ayaan hadalkii wax ku darsaday , laakiin mid caruurtayda ka mid ah ayaa igu yidhi “ Aabo waxa uu ka hadlayaa mawduuc cilmi ah adiguna ma fahmaysid, ee iska dhaaf qodobkaasi”.

Aad ayaan u murugooday, laakiin wiilkayga umaan jawaabin, madaama uu cilmi iyo aqoon ku faanay, waxa ay ii ahayd farxad.

Maalintii ku xigtay waxa aan soo iibsaday manhajka waxbarasho ee fasalka 9aad dugsiga sare anigoo hore u dhameeyay dugsiga dhexe, isla markiiba waxa aan bilaabay inaan ku dhigto dukaankayga dhexdiisa iyadoon qofna iga warhayn, imtixaankiisa ayaan galay waan gudbay iyadoon qofna war ii hayn”.

“Haddana waxaan soo iibsaday buugaagta Diploma waana aan bartay oo imtixaankii gudbay iyadoon qofna war ii hayn” “Maanta waxaan bilaabaya Jaamcaddii insha Allah markaan dhameeyo ee aan caruurtayda u tago ku odhan doona “ Tani waa shahaadada kaboolaha idiin soo korayay ee wax idin baray ee idiin guuryay u ogolaanaysa inuu sheekada idinla wadaago”.

 

Leave a Reply