Dawladda Hoose ee Berbera oo Dhagax dhigtay Waddo Hawlbawle ah

0
584

Hargaysa -(Dawan) Dawladda hoose ee degmada Berbera ayaa dhagax dhigtay waddo isku xidhi doonta dekedda Berbera iyo waddada halbawlaha ah ee isku xidha Berbera iyo Hargeysa.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay oo ka waramay ahmiyadda ay waddadani u leedahay magaalada Berbera agaasimaha hawlaha guud ee dawladda hoose ee degmada Berbera Maxamed Cabdi Jaamac iyo agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda dawladda hoose ee Berbera Maxamed Cali Caabbi, waxaanay sheegeen in waddadan oo dhererkeedu yahay 3 kiiloomitir ay isku xidhi doonto qaybo badan oo ka mid ah degmada Berbera, iyaga oo sheegay in ay waddadani faa’ido weyn u tahay ganacsiga iyo isgaadhsiinta baabuurta xamuulka qaadda  ee ka shaqaynaya dekedda Berbera ee u gudbaya gobollada dalka.

Sogol jet oo isaguna ka socday shirkadda maamusha dekedda Berbera ee DP WORLD ayaa sheegay in ay dhankooga ka qayb qaadan doonaan waddadaaasi oo ahmiyad weyn u leh gaadiidka kala duwan ee soo galaaya dekedda Berbera.

Maayirka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in waddadani ay halbawle u noqon doonto dekedda Berbera isla markaana ay culeys badan ka qaadi doonto magaalada Berbera, isaga oo dhanka kalana ugu baaqay shacabka magaalada Berbera in ay fahmaan in hantida lagu dhisaayo waddadani ay tahay toodii, oo ay ilaalshadaan.

Leave a Reply