Howl-wadeenno Wasaaradda horumarinta Maaliyadda ka tirsan oo abaal-marin iyo shahaadooyin ku mutaystay qiimeyn shaqo

0
403
Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda oo maanta soo xidhay Kulan muddo laba maalmood ah uga socday Magaalada Hargeysa, masuuliyiinta sar sare, madaxda waaxyabaha iyo qaar kamida howl-wadeenada Wasaaraddaasi, ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey 42 xubnood oo loo aqoonsaday dadkii ugu firinfircoonaa shaqada sanadkii la soo dhaafay.
Kulankan oo ujeedadiisu ahayd  qiimeyn iyo dar-dar gelin howlaha Wasaaradda ah, ayaa intii uu socday waxa lagu gorfeeyey, laguna qiimeeyey habsami-u-socodka qorshaha dakhli soo-saarka iyo dardar-gelinta adeegyada kale ee ay qabtaan Waaxyaha Wasaaraddu, iyadoo ay ka qaybgaleyaashu ku soo bandhigeen fikradooda iyo caqabadaha barbar socda shaqada.
Munaasibad loo qabtay gebgabadii kulankaasi oo ay ka qaybgaleen, Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha guud, Agaasime-waaxeedyada Wasaaraddaasi, Xisaabiyaha guud ee Qaranka iyo howl-wadeeno ka socday waaxyaha Wasaaradda, ayaa waxa ugu horayn hadal dardaaran ka jeediyey Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Cabdi Gurxan.
 “Halbeega laydinku qiimaynayaa waa qorshaha la idiin dhiibayo oo waliba labada bilood ee u horeeya goobaha shaqada la idiinku imanayo oo tababarku sii socon doono”ayuu yidhi Agaasimaha guud oo ku dheeraaday ahmiyadda ay shaqada wasaaradda u leedahay joogtaynta kulamada noocan ah.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaraddaasi  Muuse Ibraahim Yuusuf oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa hoosta ka xariiqay yoollasha Wasaaradda ee ku wajahan fulinta waajibaadka ay qaranka u hayso, isagoo calaamadiyey qodobada laf-dhabarka u ah.
Waxaanu yidhi “Yoolkeena koowaad waa sidii aynu u soo saari lahayn dakhliga dalka oo dhami inaga sugayo ee halka laynoo sheegaya maraya iyo halka aynu u baahanahay in aynu gaadhsiino, yoolkeena labaad waa dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka sidii aynu ula jaan-qaadi lahayn, qodobka saddexaadna waa sidii xogta aynu heli lahayn”
Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ka-hor intaanu shahaadooyinka guddoonsiin howlwadeennaha halkaasi hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in ay wasaaraddu dariiq kasta u marayso sidii ku gaadhi lahayd cashuur-bixiyeyaasha iyo muwaadiniinta kale ee adeegyadeeda u baahan.
Wasiirka , ayaa si gaar ah ugu booriyey shaqaalaha iyo madaxda waaxda Dakhli-soo-saarka “Waxa loo baahan yahay in aynu Tiknoolajiyada casriga ah u adeegsano si kasta oo aynu ku gaadhi karno macbiilkeena, cashuur-bixiyaha ah iyo siduu cashuurta ugu bixin lahaa si fudud, hadday baraha Bulshada noocyadooda oo dhan tahay  iyo hadday meelaha kale farriimaha laysugu gudbiyo tahayba”ayuu kula dardaarmay Wasiirku madaxda iyo shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda.
Xisbiyaha guud ee Qaranka Axmed Daa’uud, Agaasimaha Waaxda cududa shaqaalaha Wasaaradda horumarinta Maaliyadda iyo xubno kale oo halkaasi ka hadlay, ayaa shaqaalaha ku dhiiri-geliyey in ay tallooyinka kulanka laga soo jeediyey ku dabaqaan shaqada ay hayaan.

Leave a Reply