Mashruuc Laydhka cadceeda ku Shaqeeya oo laga wado Ceerigaabo

0
621

Hargeysa (Dawan) Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa laga wada qorshe magaalada lagu iftiiminayo, kaas oo ah mashruuca Soolarta Cad-ceedda.

Mashruucan Solarta Cadceeda, ayaa haddii uu noqdo mid guulaysta waxaa uu wax badan ka tari doona bilic soo celinta magaalada Ceerigaabo.

Inta badan Nalalka Cadceeda ku shaqeeya ayaa ka hanaqaaday, baddi magaalooyinka Somaliland, waana talaabooyin dhanka horumarka ah oo hore loo qaaday.

Leave a Reply