Noloshu Waa Sida Baaskiilka, Ha Joojin Socodka!

0
477

Albert Einstein waxaa uu uu ahaa saynisyahan u dhashay wadanka Jarmalka, waxana uu ka mid yahay tiirarka cilmiga Fisigiska casriga ah… Weedho iyo kelmado muhiim noqday ayaa laga dhaxay kuwaasi oo nolosha la jaan qaadaya waxaana ka mid ah kuwan:

  • Baro shuruucda ciyaarta, waxaad noqon doontaa ciyaartowga ugu wanaagsan.
  • Baratanka waqtiga adag ayaa fursadaha laga helaa.
  • Noloshu waa sida baaskiil, si aadan u dhicin waa inaadan socodka joojin.
  • Nabada laguma hayn karo xoog, waxa kaliya ee lagu gaadhi karaa waa isfahan.
  • Hadii shayga aad si fudud u sharrixi kari weydo, macnaheedu waa in aanad si fiican u fahamin shaygaasi.
  • Isha keliya ee cilmi laga helaa waxaa khibradda.
  • Ha u jihaadin sidii aad u guulaysan lahayd, laakiin ku dadaal sidii aad qiimo u yeelan lahayd.
  • Qofka aan weligii khalad samayn, weligii wax cusub iskuma dayin.
  • Kuma xalin karno dhibaatooyinka adeegsiga isla fikirkii fashilka mid la mida.
  • Wax ka baro shalay, ku noolow maanta berina rajee waxaa wanaagsan.

Leave a Reply