Masiibada Sabab Looma Noqdo!

0
432

Nin ayaa soo maray nin xakiim ah waxaa uu ka codsaday inuu la taliyo , waxa uu ku yidhi orod oo labada baabuur dhexdooda lugee oo laba saacdood maqnow, ka dibna igu soo noqo.

Ninki sidii ayu yeelay laakiin markii uu dhex marayay labada buurood dhexdooda ayuu dhalaal yar arkay oo ushiisa ku dhuftay qarax siigo badan kicayay ayaa dhacay, isagoo naxsan ayuu iska dhaafay. Waxaana uu gaadhay Awr meel barwaaqo ah dhex fadhiya oo aan waxba cunayn oo haddana gaajo la il daran.

Hore ayuu isaga sii socday waxaana uu gaadhay awr meel barwaaqo ah daaqaya oo jidhkiisa bahalo cunayaan oo aan dareemayn isla markaana aan dhiig ka socon.

Ninkii ayuu ku soo noqday waxaana uu sheegay  sadexdii arimood isaguna waxa uu ugu jawaabay  , “ dhegaxa aad usha ku dhuftay waa fidnada way hurdaa lama toosiyo weliga iska jir fidno inaad sabab u noqoto, Awrkan barwaaqada ku dhex gaajoody waa bakhaylka sidaasi ayu xoolihiisa ug gaajoonaya cidna waxba uga siinayn. Awrka kale waa deeqsiga waana sida uu xoolihii cuno, oo weliba dadka kalena u siiyo oo aanu haddana dareemayn. Iska jir bakhaylnimada.

Leave a Reply