Biyo Yaraan Soo Foodsaartay Degmada Dalxiiska ee Laasgeel

0
605

Hargeysa-(Dawan)-Guddoomiyaha degmadda Laasgeel Mustafe Ibraahin Cismaan ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin bulshada ku dhaqan degmadaas.

 

Guddoomiyaha degmada Laasgeel Mustafe Ibraahin Cismaan, oo warbaahinta dawladda waraysi siiyey ayaa ka xogwaramay xaaladda dad iyo duunyo ee degmadaas, isaga oo sheegay in wakhtigan oo lagu jiro xili jiilaal ah ay degmadaas ka jirto biyo yaraan, wwuxuuna intaas ku daray in xukuumaddu ku hawlan tahay sidii biyo macaan looga soo saari lahaa degmadaas iyo deegaanada hoos yimaada hawshaas oo ay gacanta ku hayso wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland.

Degmadda Laasgeel ayaa ka mid ah goobaha ugu wanaagsan ee loo dalxiis tago dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, waana goob soo jiidatay indhaha caalamka.

Leave a Reply