Magacyada Ganacsatada Reer Tog-Wajaale ee Itoobiya Xayirtay Hantidii Baananka u Taalllay, Eedaha Loo Haysto

0
609
SANYO DIGITAL CAMERA

Tog-wajaale-(Dawan)- Baanka dhexe ee Xukuumadda Federaalka Waddanka Itoobiya ayaa gabi ahaanba Xayiray, Dhaqdhaqaaqii Maaliyadeed iyo Ganacsina hawada ka saartay Boqollaal Ganacsato ah oo waaweyn oo ay xataa ku jiraan Uguna Badan Yhiin Ganacsato reer Wajaale ah oo isticmaali jiray Baananka Ganacsi ee dalka Itoobiya eek u yaalla Daanta Itoobiya ee Wajaale.

Baanka Dhexe ee Xukuumadda Federaalka Itoobiya ayaa Toddobaadkan soo saaray wareegto Culus oo lagu taxay Liiska Ganacsato badan oo xayiraad laga saaray Lacagihii u yaallay Baananka Itoobiya maadaana Baanka dhexe uu maamulo dhammaanba bangiyada kala duwan ee Ganacsi ee dalkaasi Itoobiya ee ay dadku isticmaalaan, waxaana Ganacsatadan lagu eedeeyey in ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo liddi ku ah sharciga Maaliyadda, Diriddidda Lacagaha iyo dambiyada la xidhiidha sida Dhaqista Lacagta, Ganacsiga Koontarabaanka, adeegsiga xawaalado sharci darro ah oo loo diri karay wax ay Itoobiya ku sheegtay argagixiso iyo guud ahaan nidaam Liddi ku ah shuruucda Maaliyadeed, ganacsi, lacag dirid iyo keydineedba taasoo keentay in xukuumadda Itoobiya gaar ahaan Baanka Dawladdu soo saaro xayiraaddan culus.

Wareegtada Baanka ayaa lagu taxay Magacyada Ganacsatada, Bangiyada ay isticmaalayeen, Magaalooyinka ay akoonada ku lahaayeen iyo xaddiga Malaayiinka Birr ee xayiraadda laga saaray waxaana liiskan ka muuqdo Magacyo badan oo ah ganacsato dhirbaaxadan culusi ku dhacday oo ka diiwaan gashanaa Magaalo Ganacsiyeedda Tog-wajaale gaar ahaan Daanta Itoobiya kuwaasi oo isugu jira Ganacsato Somaliland kasoo jeeda, kuwo dawlad Deegaanka ka soo jeeda iyo xataa Ganacsato kale oo Itoobiyada kale ah balse xidhiidhka ugu weyn ee Ganacsi la lahaa Magaalada Wajaale.

Magacyada Ganacsatada Soomaalida ah ee Lacagtoodii iyo Ganacsigoodiiba la xayiray, xaddiga lacagta laga xayiray iyo sababta looga shakiyay ganacsigoodu waxa ay kala yihiin:

  1. Tog-wajaale: Fuaad Aadan Ciise- Lacagta laga xayiray 139,401,183 Birr, waxa lagu eedeeyey Lacag dirid sharci darro ah.
  2. Tog-wajaale: Cabdilaahi Axmed Faarax- Lacagta Laga Xayiray 61,334,947 Birr – Lacag dirid sharci darro ah
  3. Bullae: Cabdillaahi Axmed Faarax – 30,931, 738 Birr- Lacag Dirid shari darro ah
  4. Kefira: Mubaarig Xuseen Ismaaciil, 59,346, 672, Koontarabaan iyo Lacag dirid sharci darro ah
  5. Tog-wajaale: Xasan Axmed Cumar- 43,497, 317, Koontabaraan iyo Lacag dirid sharci darro ah
  6. Tog-wajaale: Naasir Aadan Aw Cali- 32,345, 579, Koontarabaan iyo Lacag dirid sharci darro ah
  7. Tog-wajaale: Fuaad Aadan Ciise- 29,058, 792,- Koontarabaan
  8. Bullae: Nimcaan Maxamed Faarax- 28,308, 589- Lacag dirid sharci darro ah
  9. Tog-wajaale: Cabdiqaadir Cismaan Xuseen- 25, 162, 422- Lacag dirid sharci darro ah
  10. Bullae: Cabdishakuur Cumar Cali- 23, 034, 570- Ganacsi sharci darro ah iyo Lacag dirid sharci darro ah
  11. Jehedin: Khasar Cismaan Xasan- 21, 731758 – Ganacsi Sharci Darro ah
  12. Tog-wajaale: Mubaarig Xuseen Maxamuud – 16,067,377- Lacag dirid sharci darro ah
  13. Tog-wajaale: Suhayb Awal Xasan – 15,501, 683- Ganacsi shari darro ah
  14. Tog-wajaale: Amarre Faarax Cabdilaahi- 15,473, 980 – Lacag dirid sharci darro ah
  15. Bullae: Xuseen Cumar Cismaan – 15,428, 697 – Ganacsi shari Darro Ah
  16. Tog-wajaale: Khadar Saleebaan Nuur – 15, 268, 869- Ganacsi shari darro ah
  17. Sulul: Ismaaciil Cabdilaahi Cumar – 14, 017, 308- Ganacsi sharci darro ah
  18. Tog-wajaale: Cabdi Axmed Cabdalle- 11,880,433- Lacag dirid sharci darro ah
  19. Tog-wajaale: Xuseen Cismaan Maxamed- 11,829, 512- Lacag dirid sharci darro ah

20-. Tog-wajaale: Iid Cali Cabdilaahi – 11,174, 175- Lacag dirid sharci darro ah

  1. Tog-wajaale: Cabdikariin Maxamuud Cabdilaahi- 10,984, 041- Lacag dirid sharci darro ah
  2. Harta-sheekha: Maxamed Baaruud Maxamuud- 9,509,210- – Lacag dirid sharci darro ah
  3. Tog-wajaale: Maxamuud Axmed Muxumed- 9,222,444- – Lacag dirid sharci darro ah
  4. Tog-wajaale: Cumar Xasan Muxumed – 7,252,395- – Lacag dirid sharci darro ah
  5. Tog-wajaale: Maxamed Rashiid Yuusuf – 6,989,336- – Lacag dirid sharci darro ah
  6. Tog-wajaale: Mukhtaar Jaamac Barkhad- 5,690,671- Koontarabaan iyo Lacag dirid sharci darro ah.

Go’aankan Baanka Itoobiya soo saaray ee xayiraadda ah ayaa guux culus ka dhaliyay dalkaasi maalmihii ugu dambeeyey waxaana wararka qaar sheegayaan in ay ganacsato kale ku daba jiraan oo ay doonayaan in ay tallaabadan oo kale ka qaadaan.

 

Isha Warka : Wargeyska Foorre

Leave a Reply