Murrashaxa Golaha Wakiillada gobolka Sool Cabdirashiid Gargaar oo Xaflad dhool-tus ah isku shaaciyey

0
585

Murrashaxa Golaha Wakiillada ee Gobolka Sool Cabdirashiid Xuseen Carab (Gargaar), ayaa munaasibad lagu qabtay Magaalada Laascaanood waxa uu ku shaaciyey murrashaxnimadiisa, waxaana xaflada shaacinta ka qaybgalay Waxgarad, Siyaasiyiin, Madaxdhaqameed iyo dad kale oo tiro badan oo ka socday qaybaha Bulshada.

Xubno kamida Odayaasha iyo waxgaradka Deegaanka uu ka soo jeedo Murrashax Cabdirashiid Gargaar oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in ay si mug iyo miisaan leh u garab-taagan yihiin Murrashaxa, isla markaana cod iyo cududba ku taageeri doonaan.

Qaar kamida Dhalinyaro iyo Haweenka Munaasibada ku sugnaa ayaa iyaguna balanqaaday in ay garab-taagan yihiin Murrashaxa, iyagoo hoosta ka xariiqay in uu yahay siyaasi waayo-aragnimo iyo karti leh oo ay ku kalsoon yihiin in uu wax ka qaban doono baahiyaha Gobolkaasi ka jira.

Murashax Cabdirashiid Xuseen Carab (Gargaar) oo isaguna munaasibada hadal dheer ka jeediyey ayaa ka waramay waxyaabaha uu doonayo in uu ka qabto Gobolka haddii uu ku guulaysto kursiga Xildhibaannimo.

Waxa uu taageerayaashiisa iyo bulshada gobolka Sool uga mahad naqay sidii fiicnayd ee ay isu-diwaangeliyeen.

Halkan ka Daawo Muuqaal dhamaystiran oo xaflada Shaacinta ah:

Cabdirashiid Xuseen Carab (Gargaar), ayaa hore gobolka Sool uga soo noqday Badhasaab, waxaanu sidoo kale mar ahaa Wasiirkii nabadeynta Gobolada Bari ee Somaliland, xilligaasoo uu wax badan ka qabtay nabad-gelyada iyo horumarka gobolka.

Leave a Reply