Xisbiga Kulmiye oo Aqbalay Musharaxnimada Weriye Raambo

0
543

Hargeysa-(Dawan)-Hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye, ayaa aqbalay muurashaxiinta kala ah Maxamed Xuseen Jaamac (Raamboo) oo u tartami doona golaha wakiillada ee gobolka Maroodijeex iyo Siciid Yuusuf Aadan Garow oo u tartami doona golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa.
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Cabdi Xuseen(Axmed Cabdi-dheere), xubno kamid ah golaha wasiirrada, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac iyo saraakiil kale oo xisbiga katirsan, ayaa soo dhaweeyey murrashaxiintan oo ay hormuud u yihiin, cuqaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta haldoorka ah ee kasoo jeeda deegaanka ay murrashaxiintani kasoo jeedaan, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayo labadan murrashax.
Labadan murrashax, ayaa kamid noqon doona murrashaxiinta xisbiga KULMIYE uga qay geli doona tartanka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee sannadkan qorshaysan.

Leave a Reply