Dawladda Somaliland oo Jabuuti ka difaacday eedaymo uga Yimid Soomaaliya

0
450

Hargeysa (Dawan) – Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay eedaymo ay Dawladda Soomaaliya ay Jabuuti ugu jeedisay War-bixin ay ka soo saartay Khilaafka Xuduudka ee Soomaaliya iyo Kenya.

Guddi ka socda Dawladda Jabuuti oo ka wakiil ah urur-gobolleedka IGAD ayaa dhawaan booqday Xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, si u soo ogaadaan Xaqiiqda Khilaafka ka dhex jira labada dhinac ee Kenya iyo Soomaaliya, waxayna markaa ka dib Guddigaasi soo saareen War-bixin dheer, taasi oo ay ku sheegeen in aanay jirin Caddaymo muujinaya in Kenya ay Faro-gelin ku samaysay Arrimaha Soomaaliya, laakiin War-bixintaasi ayaa Dawladda Soomaaliya ku sheegtay mid muujinaysa Cadaawad ay Jabuuti u qabto Soomaaliya.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed oo Telefiishanka Bulsho waydiiyey sida ay Somaliland u aragto eedaymaha Soomaaliya u jeedisay Jabuuti, ayaa ku jawaabay “Waxaad mooddaa in Dawladda Soomaaliya ay Cid walba xagxaganayso, xitaa berigii dhawayd hadday wax ku qaadanayaan Shirkii IGAD wax badan baa loogu sheegay.”

Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed wuxuu sheegay in Soomaaliya ay mar walba ku deg-degto inay Safaaradaheeda kala baxdo dalka ay diblumaasi ahaan isku qabtaan, isagoo taasi ku sheegay khalad, maaddaama oo Jabuuti iyo Eritrea oo gacan ka hadal dhex maray ay weli Safaaradahoodii aanay kala qaadan  “Tusaale Jabuuti iyo Eritrea waa kuwa is haya, laakiin illaa hadda Safaaradahoodii may kala qaadan, tii Eritrea way furan tahay, tii Jabuutina waxay ka furan tahay Asmara, markaa Soomaaliya waxaad mooddaa deg-deg badan oo aan wax ka fiirsasho lahayn, siyaasad aan degganayn in Dawladdaasi ku dhaqmayso..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Xukuumadda Somaliland ogtahay in Soomaaliya ay Dacwado badan ka gudbisay Somaliland “Waanu ognahay inay Somaliland Dacwado badan ka gudbisay, markaa waxaan leeyahay Farmaajo wuu tagayaa, Cidda dambe ee imanaysa (Soomaaliya) waxaanu leenahay Somaliland 30 sano ka hor ayay Madax-bannaanideedii la soo noqotay ee sidaa aynu ku kala joogno.”

Safiirku wuxuu sheegay in siyaasadda Soomaaliya la mid tahay ‘nin Daad qaaday xumbo cuskay’ ..”Ta ay Farmaajo iyo Dawladdiisu ku dhaqmayaan waa Nin daad qaaday Xubmo cuskay..”ayuu yidhi.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Markii Ugu Horraysay Shaacisay Tirada Rasmiga  ah Ee Cuqaasha Dalka Ka Diiwaangashan, Tirada Lacagta ah Ee Ay Qaataan Iyo  Inta Bilaa Mushaharka ah
Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed

Leave a Reply