Furitaanka Mashruuca Iskaashiga Beeraha ee Somaliland iyo Taiwan

0
1114

Hargeysa (Dawan) – Wasaarada Horumarinta Beeraha JSL, Sanduuqa Horumarinta iyo Iskaashiga iyo Safaaradda Taiwan, ayaa Maanta furay mashruuc lagu horumarinayo wax soo-saarka beeralayda.

Mashuuraca ayaa iskugu jira samaynta Beer tijaabo ah iyo tababbarro la siin doono beeralayda iyo shaqaalaha wasaaradda oo looga dan leeyahay kobcinta beeraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Rooble Cabdi Muuse oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in horumarinta beerahu qayb weyn ka tahay qorshaha horumarinta qaranka isla-markaana uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ahmiyad iyo mudnaan siinayo.

Agaasimaha oo ka waramaya mashruuca ayaa sheegay in uu ka kooban yahay,

  1. Samaynta Beer lagu soo bandhigo hab- beereedka casriga ah iyo abuur tayo leh, tabobbarradana lagu bixiyo.
  2. Tababbaar la siin doono shaqaalaha wasaaradda horumarinta Beeraha
  3. Tababbar beeralayda loo samayn doono.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in mashruucani uu Qaranka u leeyahay faa’iido.

Sidoo kale, safiir ku-xigeenka Dawladda Taiwan ayaa ka warramay ahmiyadda Mashruucan, isagoo u Mahad celiyey Dawladda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here