Golaha Guurtida Somaliland oo Ga’aamo ka soo Saaray Iswaafajinta Doorashooyinka

0
565

Hargeysa (Dawan) Guddidii golaha guurtidda Somaliland, u saareen sidii la isu waafajinlahaa maalinta doorashada koomishanku u cayimay ee  31 bisha May ee sanadkan iyo muddo kordhintii loo sameeyay golayaasha la dooranayo oo aan dhamaanin kana soo hormartay maalinta komishanka cayimay, ayaa subaxnimadii hore ee shalay shir albaabadu u xidhan yihiin oo warbaahinta iyo mudanayaasha golahaasiba dibad joog ka yihiin ku yeeshay xarunta aqalka golaha guurtidda.

Dhawaan ayay aheyd markii madaxweynaha Somaliland uu ka codsaday golaha guurtida inay kas oo talo bixiyaan xilliga la qabanayo doorashooyinka golaha wakiilada iyo dowladaha hoose.

Adkayntii nabadgelyadda xarunta Baarlamaanka

Xarunta aqalka baarlamaanka Somaliland, ayaa ahayd mid abnigeeda si weyn loo sugay, isla markaana si dhaw loola socday dhaq dhaqaaqa, iyada oo ciidamo kala duwan la soo dhoobay xarunta aqalka baarlamaanka ee labada gole ee wakiillada iyo guurtidda.

Intaas kadib markii ay soo baxeen guddidi ka soo tallo bixinta iyo is waafanjinta wakhtigii ay guddida dooashooyinku u cayimeen qabsoomida doorashada golayaasha wakiilada iyo degaanka, waxaa si toosa u furmay kalfadhigii aan caadiga aheyn ee golahaasi la isugu yeedhay.

Guddoomintii guddoomiye Saleebaan

Guddooomiyaha golaha guurtidda Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shir-guddoominayay kalfadhiga aan caadiga ahayn.

Waxaa kalfadhiga aan caadiga ahayn ka soo xadiray 79 mudane oo ka mida 82-ka mudane ee golahaasi ka kooban yahay, iyada oo saddexda mudane ee fadhiga ka baaqday ay ahaayeen kuwo xaaladdo caafimaad oo kala duwan uga baaqday.

Warbixin kooban

Waxa ay goluhu soo saareen in muddo xileedka golaha Wakiiladu ay ku eg tahay bil ka dib wakhtiga Doorashada la qabto.

Golaha Guurtida ayaa awood buuxda u siiyay Komishanka Doorashooyinka inay qabtaan Doorashada sannadkan Gudihiisa, iyaga oo dabarka ka furay muddooyinkii u cayina qabsoomida doorashada.

Gaga-gabadii waxaa nuxurku yahay in golaha guurtidu koomishanka fursad u siiyeen in wakhtigii ay doonaan ay qaban karaan doorashada, kana bilaabmaysa bisha labaad ee sannadkan.

Ga’aamadii  Iswaafajinta Doorashooyinka

Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtidda Somaliland, mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa mudanayaasha golaha ka hor akhriyay qodobada sharci ee ay u cuskadeen wax ka baddelka ay ku sameeyeen muddo xileedka golaha wakiillada. “In dhammaadka muddo xileedka golaha wakiillada ee hadda ku fadhiya, kuna ee kaa 12/1/2022 laga bilaabo 2/2/2021 uu dhammaadka muddo xileedkoodu ku eeg yahay bil kadib maalinta ay qabsoonto doorashadoodu.

Go’aankani waxaa uu si gaara u khuseeya dhammaadka muddo xileedka golaha wakiillada oo kaliya, mana khuseeyo mana khuseeyo dhammaada muddo xileedka golaha guurtidda Somaliland.”

Cod-gelintii soo jeedintii guddida

Guddoomiyaha golaha guurtidda Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa cod geliyay soo jeedinta guddida golahoodu u saaray qabsoomida doorashooyinka isku sidkan.

Waxaana xughayaha guud ee golaha guurtidda Somaliland, garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa natiijadii cod qaadista ku wareejiyay guddoomiye Saleebaan si uu ugu dhawaaqo natiijada rasmiga ah una xalaaleeyo.

Go’aankan waxaa uu goluhu ku ansixiyay kuna meel mariyay cod gacan taaga oo dhan 78 mudane, cid diiday ma jirto, cid ka aamustayna may jirin guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayaana lagu xalaaleeyay go’aankaasi.

Bogaadintii Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu bogaadiyey go’aanka geesinimada leh ee ay golaha guurtidu ka gaadheen qabsoomidda xilliga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo horyaallay ku saleeyaan waqtigii ay dhawaan  isugu raaceen Komishanka doorashooyinka qaranka iyo Axsaabta qaranka oo isku duubani, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay mid dhisaysa Dimuqraaddiyadda dalka.

Hanbalyaddii asxaabta Qaranka ee guurtidda

Dhanka kale asxaabta saddexda xisbi Qaran ayaa hanbalyeeyay, go’aanka ay golaha guurtidu ka gaadheen qabsoomida wakhtiga doorashooyinka isku-sidkan.

Leave a Reply