Dhibaatada Waxbarasho Ee Computerka!

0
142

Iyadoo computerada laptopka ay noqdeen sebenkan kuwo fudud haddana waxa ay  sababeen inay dunida ku baahan oo meel kasta laga isticmaalo. Sidaa darteedna fikradda qoraalka gacanta ayaa u muuqda mid gaboobay oo laga gudbay dunida.

Daraasada lagu daabacay  Wargeyska  Psychological Science,  oo ay soo diyaariyeen labada Profossor Prof. Pam A. Mueller iyo Daniel M. Oppenheimer oo ka kala tirsan Jaamacadda California,  iyo Jaamacadda Princeton Los Angeles ayaa cadaysay  sida ay sida qoraalka gacanta iyo Computerku saamayn ugu leeyihiin fahamka waxbarashada ardayda, iyagoo sheegay in qoraalku ka faa’iido badan yahay Computerada.

Wargeyska “The New York Times” ayaa isna daabacay cilmibaadhis ay sameeyeen aqoonyahano ka tirsan Jamaacadda Princeton  taasi oo ay ku ogaadeen saameynta computer-ku ku yeesho waxbarashada ardayda iyo fahamka aqoonta, waxaana ay cadeeyeen in qalinka iyo buuggu ay ka wanaagsan yihiin Computerka dhinaca isticmaalka ardayga.

Cilmi baadhayaashu waxay ardayda u qeybiyeen labo kooxood, mid  laptop adeegsanaya iyo koox qalinka iyo buugga isticmaalaysa, Gebagebadii daraasaddan waxa soo baxday in kooxdii qalinka iyo buugga ay kaga fiicnaadeen kooxdii computer-ka casharka ku qaadanayay dhinacyada fahamka iyo waxbarashadaba.

Waxaana ay aqoonyahandu sheegeen in sababta kooxda Computerka adeegsanaysa ay hoosayso ay tahay awoodda qoraalka oo kooban, isku halaynta xawaaraha iyo kaydinta qoraalka ee  Computerka. Waxa kale oo ay sheegeen inay badanayeen codsiga iyo weydiimaha  ardayda Computerka isticmaalayay.

Ardayda qoraalka ayaa casharada si fiican u fahmay oo weliba horumar ka sameeyay dhinaca curinta iyo hal abuurka, mana ay ahayn arday isku halayn qaba, madaama wax kasta ku xidhan yihiin sida ay casharka u diyaarsadaan.  Ardayda qoraalka badankoodu waxa ay ahaayeen kuwo aqoon ahaan aad uga sareeya kuwa Computerka isticmaalaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here