Dhibta Caadifadda Hogaamisa Caqliga!

0
442

Dunida isbadalkeedu waa joogto, fikirka aadamiguna mar kasta waxa uu xidhiidh la leeyahay hadba duruufta wehelka u ah. Duruufahaasi is barkan ee laga yaabo inay kakan yihiin waxa dadka qaarkood q ku waajahaan caadifad iyo hawo been ah, halka qayb kale ku waajahdo  caqli ay kartiyi ku lamaantay.

Haddii caadifaddu ay ka dheerayso heerka fikirka caqliga ee saxda ah, dadaal kasta oo aad bixisaa waxa uu ku dhamaada ama waxba la’aan (eber), iyo laab la kac cadho ku dhisan, wakhtigaasi waa marka aad  shakhsiyaad, koox ama deegaan u aragto inay duruufaha kugu xeeran sabab u yihiin oo adigu laguu soo diray.

Marar badan waxaad dareemaysa dhawaaq ku leh: “ Duruuftan kama gudbi kartid, ilaa aad hesho awood ku taageerta, taasina ma haystid ee iskaga dhex noolow waxaad tahay qof dulamane”.

Ilbidhiqsigaasi waa laba midkood inaad fashil noqoto oo aad aqbasho inaad iskaga dhex noolaato inta ay geeridu kuu imanayso, iyo inaad caqliga iyo xikmadda ka faa’iidaysato oo aad siiso jawaab ah: “ Maya waan ka gudbi kara, anigoon taageero cidna ka sugin, laakiin daariiqa aan marayo waa mid aan anigu jeexanayo oo aan ka fikiray halka aan ku gaadhayo”.

Weedhahaas waa kuwa ay shakhsiyaad iyo ummado badan horumar ku gaadheen. Waa inaad ka xorowdo cabsida wahsiga, caajiska iyo fadhiidnimada caqliga, oo ah isha ay ka soo burqato saboolnimada iyo nolol xumidu.

Qof kasta waa hal abuure noloshiisa ah, laakiin dad yar ayaa awood u leh inay naftooda kor uga qaadaan fikradaha wakhsiga, caajiska iyo malaha khaldan.

Leave a Reply