Xisbiga WADDANI oo soo qadimay Wakhtiga diwaangelinta Murrashaxiinta u tartamaya

0
391

Hogaanka Xisbiga WADDANI, ayaa go’aamiyey in maalinta beri ee Khamiista la bilaabo diwaangelinta Murrashaxiinta xisbigaasi uga tartamaya goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada gobolada dalka.

Go’aankan ayaa ka soo hormarinaya wakhtigii hore  xisbigu ugu qorsheeyey qabashada araajida iyo codsiyada murrashaxiinta, taasoo ahayd dabayaaqada bishan February ee lagu gudo jiro.

Kulanka maanta hogaanka sare iyo masuuliyiinta gobolada ee xisbigaasi ku yeesheen xarunta dhexe ee Magaalada Hargeysa uu ku leeyahay Xisbigu, ayaa waxa ka soo baxay jadwal cusub oo loo dejiyey xulista murrashaxiinta xisbiga.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply