“Waa cashuurtii dadweynaha laga ururiyay waxa  45-ka Dugsi lagu dayactiray 70% ka kalena Dawladda Hoose ee Hargaysa ayaa ku dartay”

0
317

Hargaysa (Dawan): Duqa caasimadda Hargaysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa shalay ka qayb galay munaasibad loo qabtay dugsiga hoose dhexe ee sheikh Nuur ee caasimadda Hargaysa oo dyactir lagu sameeyay.

Dhismaha dugsiga Sheekh Nuur, ayaa lagu kordhiyay dhismeyaal cusub iyo barxadda dugsigaasi oo Mar-mar la dhigay, kaasoo ay iska kaashadeen dawladda hoose ee Hargaysa iyo bulshadda xaafadda Sheekh Nuur ee degmadda Gacan libaax.

Waxa kaloo munaasibadaasi ka soo qayb galay guddoomiyaha waxbarashadda gobolka Maroodijeex, iyo guddoomiye ku-xigeenka waxbarashadda isla gobolka Maroodijeex, agaasimaha waaxda arrimaha bulshadda iyo bilicda caasimadda Hargaysa.

Xubno ka mida odayaasha, culimadda iyo dadweynaha xaafadda sheikh Nuur ee magaaladda Hargaysa.

Maayarka caasimadda Hargaysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in guud ahaanba ay masuuuliyadi ka saaran tahay horumarinta waxbarashadda dugsiga hoose dhexe iyo caafimaadka aasaasiga ah ee Hargaysa.

Waxaanu yidhi, “Dawladda hoose mar si caam ah ayay ula wada shaqaysaa dugsiyadoo dhan. Taasi oo ah siyaasadii maamul daadejinta, oo socotay muddo ah. Taasoo ahayd in la soo saldhigo dugsiyadda waxbarashadda ee hoose dhexe iyo iyo caafimaadka aasaasiga ah in dawladaha hoose lagu wareejiyo”.

C/raxmaan Soltelco, waxa kaloo uu tilmaamay in inaanay jirin haayado ka caawiyay ama ka taageeray dib u casriyay iyo dayactir lagu sameeyay 45 dugsi hoose dhexe oo caasimadda ku yaalla.

Balse dadka fikradaasi qaba looga baahan yahay in ay ogaadaan in taasi ay ku timid mashruuca maamul daadejinta dawladda hoose, isla markaana ay maalgelisay dawladda hoose ee Hargaysa.

“Marka taa laga hadlayo waa siyaasad dawladeed, dadka qaar baa u haysta inuu yahay mashruuc haayadeed. Mashruuc haayadeed ma aha, dawladda iyo haayadihii la shaqayn jiray 30% ayay soo daadejiyeen.

70% ka kale dawladda hoose ee Hargaysa ayaa ku dartay, waa cashuurtii dadweynaha laga ururiyay. Waxa 45-kaa dugsi lagu dayactiray, ee lagu dhisay, dadka qaar waxay u haystaan deeq meel kale inooga timid” ayuu yidhi maayar Soltelco.

 

 

Leave a Reply