Xisbiga UCID oo shaaciyey Wakhtiga uu xidhmayo liiska Murrashaxiinta

0
415

Hargeysa (Dawan) Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID, ayaa shaaciyey wakhtiga kama dambeysta ah ee qabashada Araa’jida Murrashaxiinta uga tartami doona Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada.

Cabdinaasir Yuusuf Cismaan oo ah ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbigaasi oo goor dhaweyd warbaahinta kula hadlay xarunta dhexe ee xisbiga ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in 25 bishan Feberaury ay xidhmayso qabashada codsiyada Murrashaxiinta hanka leh ee doonaya in ay u tartamaan Goleyaashu.

Waxa uu intaaasi ku daray inay muddo 10 maalmood ah haystaan Murrashaxiintu in ay ku soo dhamaystiraan wixii shuruudo ah iyo codsiyada looga baahan yahay, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyana xisbigu guddo gelin doono soo saarida Liiska kama dambeysta ah iyo gudbinta Murrashaxiinta.

Xoghayaha Xisbiga UCID waxa uu guddoomiyeyaasha gobolada ee xisbiga ku war-geliyey in ay dedejiyaan soo gudbinta murrashaxiinta gobolada iyo degmooyinka iska-sharaxayaa, isagoo dhinaca kalena Murrashaxiinta hanka leh ku booriyey in ay ka faa’idaystaan wakhtiga kooban ee ay haystaan.

Cabdinaasir Yuusuf Cismaan waxa uu tilmaamay in xisbiga UCID doonayo in uu soo xullo oo ay Doorashada uga qayb-galaan Murrashaxiin aqoon, Karti iy o tayo leh oo noqon kara adeegayaal bulsho oo wax qabad leh.

Leave a Reply