Boorama-(Dawan)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Musharraxa Madaxweyne Ku xigeen, Maxamed Cali Aw Cabdi iyo masuuliyiin kale oo xisbiga ah ayaa maanta ka qayb galay munaasibad ka qabsoontay magaalada Boorama oo lagu shaacinayay Musharraxiin Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka uga tartamaya Xisbiga.
Musharrixiinta isu soo taagay Golaha Wakiillada ee madaxda Xisbiga WADDANI maanta ka qayb gashay xafladdooda shaacinta ayaa kala ah
Maxamed Faarax Cabdi.
Mukhtaar X. Muxumed Faarax.
Idiris Xaashi Dharaar.
Cali Cige Mataan.
Mudane Daahir Maxamed Cawaale.
Mudane Cabdiqani Maxamed Aadan.
Prof Xasan Cumar Halas.
Golaha Deegaanka
Maxamed Aadan Suldaan.
Maxamed Ismaaciil Habane.
Yaasiin Maxamed Bulaale.
Xuseen Muuse Diixood.
Cabdirashiid Saleebaan Xuseen.










