Hargeysa: Sucuudiga oo soo gabagabeeyey Taakulo la gaadhsiiyey boqol kun oo qof

0
373
ع / عام / مركز الملك سلمان للإغاثة يواصل توزيع السلال الغذائية الرمضانية للأسر الأردنية والفلسطينية والسورية في الأردن 1441-09-28 هـ(واس)

Xarunta gargaarka bani’aadamnimada Boqor Salman ee Boqortooyada Sucuudiga, ayaa Salaasadii soo gabagabeysay mashruuc ay 100 tan oo timir ah ugu qaybineysay 100,000 oo qof oo ku nool Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Mashruucan oo ay si wada jir ah u fulinayeen Hay’adda KSrelief iyo Xafiiska Kaydka Raashinka Qaranka iyo ka hortagga Aafooyinka dabeeciga ah ee Somaliland, ayaa waxa Timirta la qaybiyey la gaadhsiiyey goobaha dadka danyar ahi degen yihiin iyo xarumaha bulshada nugul.

Sida lagu sheegay war-saxaafaddeed ay maanta soo saartay Hay’adda samofalka u qaabilsan boqorka Sucuudiga ee KSRELIEF, ayaa qayb ka ah 263 mashruuc oo ay dawladda Sucuudigu ka fulisay dalal kala duwan sanadihii u dambeeyey.

Guddoomiyaha Hay’adda Kaydka Raashinka Qaranka iyo ka hortagga aafooyinka dabeeciga ah Faysal Cali Sheikh ayaa uga mahad-celiyey dawladda Sucuudiga gaar ahaan Hay’adda KS taakulada ay soo gaadhsiisay Somaliland.

Warsaxaafaddeedka ayaa lagu sheegay in xaruntan Boqor Salmaan mashaariic kala duwan ka wado dalalka Yemen, Suuriya iyo Falastiin, howlgaladaasina ay yihiin kuwo wax lagaga qabanayo baahiyaha bina-aadaminimo ee dalalkaas ka jira.

Leave a Reply