Xukuumadda oo la Wareegtay Nolosha Saddex kamida Shan Nin oo Walaalo ah oo Dhimirka ka Buka

0
455

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa (Dawan)- Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, qaybtiisa lagu dabiibo dadka dhimirka ka xanuunsanaya ayaa shalay lagu wareejiyey Saddex Nin oo Walaalo ah oo laga soo qaaday duleedka tuulada dacawaley oo 30km dhinaca koonfur-galbeed kaga beegan Caasimada Hargeysa, kuwaasoo kamida shan oo walaalo ah oo xuska ka buka oo deegaankaasi qoyskoodu degen yahay, iyadoo labadii kalena sida la sheegay ay dad eheladooda ahi daaweyn caafimaad ugu qaadeen dalka Itoobiya.

Saddexdan Nin ee dhimirka ka xanuunsanaya oo Xaalada iyaga iyo qoyskoodaba uu Wargeyska Dawan warbixin ka qoray todobaadkii hore, ayaa waxa goobta ay degenaayeen ka soo qaaday Gaadiid iyo Ciidan Wasaaradda Caafimaadku u dirtay oo keenay Cisbitaalka Dhimirka ee Magaalada Hargeysa oo la wareegay hayntooda, halkaasoo qorshuhu yahay in daaweyn Caafimaad iyo daryeel kaleba loogu fidiyo, si qoyska ay ka soo jeeddaan qaranku ula qaybsado maareynta xaaladooda.

Raggan oo uu Bukaankoodu kala culus yahay, isla markaana mid kamida uu wakhti dheer xanuunsanayey, da’dooduna u dhaxayso 46 ilaa 30 jir, lana haleelay muddo toban sannadood gudahooda, isla markaana mid kamid ah isagoo Xaas leh uu bukooday, ayaa waxa dhalay Aabo iyo Hooyo Qoyskoodu xoolo-dhaqato yahay oo tahli

waayey in ay sanco caafimaad kula eertaan Ubadkoodan xannuunku ku habsaday, hase yeeshee tan iyo wakhtigaas iyagu gacanta ku hayey marba itaalkoodu siduu ahaaba ilaa ay Cimri iyo caato xoollo la’aaneed soo food-saareen, kaddibna uu Wariye ka tirsan Wargeyska Dawan dibada u soo saaray warbixin xambaarsan qaylo-dhaan culus oo ku saabsan xaalada qoyskaasi.

Qaylo-dhaanta Wariyaha Dawan ka soo diyaariyey Qoyskan oo si aad ah Baraha bulshada loogu faafiyey, ayaa sababtay in gurmad balaadhan oo dhinacyo kala duwan ka yimi loo fidiyo qoyskaasi, kaasoo uu kamid yahay qorshahan ay Wasaaradda Caafimaadku ku soo qaaday saddexda Nin ee kamidka ahaa shanta walaalaha ah.

Dhinaca kale, Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid , ayaa gaadhsiiyey taakulooyin isugu jira Lacag, Raashin iyo hu’ga la xidho, gogol iyo agab kale oo ay u baahnaayeen.

Geesta kale, Qoyskan ayaa waxa la gaadhsiiyey Taakulo lacageed ay u soo direen dad muxsiniin ah oo dalka dibadiisa ku dhaqan.

Lacagtan oo Qadarkeedu dhanyahay $2000 (laba Kun oo dollar), ayaa waxa u soo diray afar qof oo kala duwan, kuwaasoo uu kamid yahay Ismaaciil Daa’uud Ismaaciil oo kamida qurbo-joogga dalka Sweden oo soo gaadhsiiyey kun iyo shan boqol oo dollar ($1500), waxaana lagu soo hagaajiyey qaar kamida ehelada Qoyskaasi oo iyaguna ku wareejiyey.

Oday Xuseen Ibraahim oo isagu lacagtaasi loogu soo hagaajiyey qoyska, kaddibna ku wareejiyey, ayaa u mahad naqay cid kasta oo taakulo u soo dirtay Qoyskan dhibaatada caafimaad haleelshay, waxaanu sidoo kale ku booriyey dadka samo-faleyaasha ah in ay taageero u fidiyaan qoyskan.

Xasan Cismaan Khayre oo ah Aabaha dhalay shanta Nin ee xanuunsanaya, ayaa isaguna u mahad celiyey dadyowga kala duwan ee soo caawiyey iyo waliba Hay’addaha dawladda ee taakuladu ka soo gaadhay.

Dhinaca kale, qaar kamida jaaliyadaha Somaliland ee dibada oo ay duruufta qoyskani aad u damaqday ayaa bilaabay ololle tabarucaad loogu uruurinayo, waxaanay u sameeyeen Sanduuq qaadhaan oo ay isagu gudbiyeen baraha bulshada.

Ugu dambeyn fal-celinta laga sameeyey xaaladdii naxdinta lahayd ee qoyskan laga soo tebiyey oo ah mid gaadhay heer qof ilaa Qaran ah, ayaa muujinaysa dareenka naxariista iyo damqashada leh ee ku jira Bulsho-weynta Somaliland dawlad iyo shacab, waxaanu Wargeyska Dawan bogaadinayaa cid kasta oo deddaal u gashay sidii qoyskaasi looga dul-qaadi lahaa duruufaha caafimaad iyo nololeed ee isu barkaday.

“Illaahaybaa Umaddiisa ku waajib yeellay in ay isu naxariistaan, si ay naxariistiisa u helaan, tanina waa tilmaan muujinaysa gudashadda waajibkaas Eebbe.

Mar kale waan bogaadinaynaa in la sii wado Taakuleynta Qoyskaasi, iyadoo ay rajjadeenu tahay in aynu aragno maalin kale Maxamuud Xasan Cisman, Maxamed Xasan Cismaan iyo Walaalihiisa kale oo uu caafimaadkoodii u soo noqday alle caafimaad taama ha siiyee, tani waxba kama aha alle xagiisa laakiinse waa Imtixaan addoomaha lagu tartansiinayo”ayuu yidhi Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale) oo ah Wariyaha Wargeyska Dawan ee xaalada Qoyskan bulshada u soo gudbiyey.

Leave a Reply