Qiimaha Naxariista Hooyada!

0
593

Markii uu aabihii dhintay ayuu hooyadii geeyay xarunta dadka waaweyn lagu xanaaneeyo. Wiilka ayaa booqan jiray muddo marka uu joogabo hal mar. Maalin danbe ayay shaqaalihii xarunta la soo hadleen oo u sheegeen inay hooyadii sakaaraad tahay oo uu yimaaddo. Markii uu u yimi isagoo degdegsan, waxaa uu weydiiyay waxa ay rabto inuu u qabto?

Hooyadii ayaa ugu jawaabtay hooyo xaruntan waa bilaado marawaxado ee iigu xidh, waxa kale oo aad ii keentaa talaajad aan cuntada ku kaydsado, waayo malaha ! Wiilkii ayaa aad u yaabay oo ku yidhi : “ Hooyo mar hore iigamaad dalban arimahan maxaad maanta oo ay naftu ku hayso aad iiga codsatay?

Waxaana ay hooyadii oo wejigeed murugo ka muuqato ugu jawaabtay: “ Waa run hore kuumaan weydiisan waana aan la qabsaday, laakiin waxa aan ka baqayaa markaad weynaato ee caruurtaadu ku keento xaruntan inaad gaajada iyo kulaylka la qabasan weydo oo ay ku dhibto, aniguna adiga ayaan doonayaa inaad dhibaatadii isoo martay aanay kugu dhicin.

Leave a Reply