Xadaaradda Iyo Nolosha Gabadha!

0
343

Xadaaraddii iyo Qaanuunka Giriiga hore gabadha muu siin xuquuqdii ay lahayd ee nolosha , waxaana ay aaminsanaayeen in ay ka hoosayso heerka iyo qiimaha Aadamiga, isla markaana ay u dhaxayso dadka iyo xayawaanka. Waxaana faylasuufkoodii Aristotle uu yidhi “ Gabadhu abuur ahaan malaha caqli weyn sidaa awgeed waa inay ku koobnaata hawlaha guriga, xanaanaynta iyo hooyanimada iwm”

Sidaas darteed Girgii hore oo la sheego inay xadaaradda wakhtigaasi hogaaminayeen ayaa aaminsanaa in gabadha nolosheeda dhabti ahi ay u bilaabanto marka la guursado, inta ka horaysana ay ku jirto nolol khayaali ah oo lagu macanayn Karin jiritaan xaqiiqi ah.  Waxaana ay cimriga gabadha tiro aan loo bilaabi maalinta la guursado, Wakhtigaasi oo ah ay rumaysnaayeen inay bilowday nolosha dhabta ah.

 

Leave a Reply