Qisada Gabayagii Caanka Ah!

0
1188

Qabiilka Quraysha ee Rasuulka Allah (scw) ka dhashay waxa ay si weyn ugu soo horjeedeen rumaynta Rasuulka Muxumed (scw) iyo raaciidda diinta Islaamka. Waxaana ay samayn jireen wado kasta oo ay ku horjoogsan karaan. Madaxdii Quraysha ayaa Maalin u yeedhay gabayaagii caanka ahaa ee Xasaan Binu Sabit ka hor intii aanu Islaamnimada qaadan. Waxaana ay siiyeen lacag badan iyagoo kula heshiiyay inuu gabay xun u tiriyo Rasuulka Allah (scw). Gabayaaga Xasaan Binu Saabit ayaa is taagay meel uu soo socday Rasuulka Allah (scw) si uu u arko oo markaana sifaadka iyo calaamadaha uga muuqda uu gabaygiisa ku qotomiyo.

Rasuulka Allah (scw) wuu soo maray laakiin waxa uu waayay meel uu uga gabayo iyo xumaan uga muuqata. Gabayaaga Xasaan ayaa qaaday lacagtii oo uu ku celiyay madaxdii Quraysha waxaana uu ku yidhi “ Waa taasi lacagtiini anigu baahi uma qabo” Arinka doonayseen inaan ka hadlana waxaa aan hadda qirayaa oo rumaynaya “ Allaha iyo Rasuulkiisa inay xaq yihiin”.

Madaxdii Qurayshi iyagoo yaaban ayay ku yidhaahdeen “ Oo maxaa dhacay? Wixii aanu ku dirayba maaha arinkan aad noo sheegaysaa? Waxaana uu ugu jawaabay gabayga caanka noqday ee ay ka mid ahaayeen beydadka“ Markii aan arkay iftiinka Nuurkiisa, Waxaan gacantayda saaray indhahayga (Indho daardar awgeed Nuur badan awgeed)”  Anigoo uga baqanaya quruxda nuurkiisa ( inaan ku indha beelo), awood uma lahayn inaan eego”.

Leave a Reply