Madaxweyne Ku-xigeenka  oo ka Qayb-galay Xuska Maalinta Dhallinyaradda Somaliland

0
476

Hargeysa (Dawan) Xuska maalinta dhalinyarada Somaliland oo loo asteeyay labaatanka bisha febaruary oo sanad walba la xuso,isla markaasina Madaxwaynaha SOMALILAND si rasmi ah uga dhigay maalin Qaran oo dhalinyarada u gaara ah ayaa maanta si wayn looga xusay Magaalada Hargaysa.

Kumanaan ka mid  ah bulshada qaybaheeda kala duwan isla markaasina ay hor socdaan Ciidamada Baambayda iyo masuuliy kala duwan ayaa socod lug ah ku maray jidka hawl bawlaha ah caasimada, gaar ahaana jidka hor  mara aqalka Madaxtooyada Somaliland, iyaga oo ugu danbayn isugu biyo shubta taalada Dhagax tuurka oo u dhaw maxkamada gobolka Maroodi jeex halkaasi ay Ubax dhigeen taalada astaanta u ah dhalinyaraddii Dhagax-tuurka ee UFO, waxaan halkaasi ka hadlay xubno kamid ahaa dhalinyaradaasi

Intaasi ka dib munaasibadana oo si rasmi ah ugu qabsoontay fagaaraha beerta Xoriyada  ee Hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland xubno ka socday Asxaabta Qaranka, xubno ka mid ah ururka UFO,  ardayda dusiyada hoose dhexe iyo sare iyo marti sharaf aad u tiro badan iyada oo masuuliyiintii iyo dadkii goobtaasi ka hadlay ay qudbadoodu u badnayd maalintii Dhagax-tuurka iyo kaalinta ay kaga jirto jiritaanka Qaranimada Somaliland.

Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay xubno ka mid ahaa dhalinyaradii UFFO ee 1982-kii sameeyay dhagax tuurka, waxaanay warameen sidii ay dawladii milatariga ahayd hubka iyo ciidan xoogga leh ugu adeegsatay dhalinyaradii ka soo baxday dugsiga Faarax Oomaar, ee aan hubaysnayn

Maxaweyne ku-xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadal ka jeediyay xuska maalinta dhalinyarada Somaliland ayaa sheegay in maalintani tahay maalin dhalinyarada Somaliland dib loo xasuusiyo wixii ku dhacay dhalinyaradii UFFO 1982-kii, waxaanuu madaxweyne ku xigeenku dhalinyarada Somaliland u soo jeediyay inay sii xoojiyaan kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka, isagoo xusay in xukuumaddu diyaar u tahay in xoojiso ka shaqaynta hormarka dhalinyarada.

 

Leave a Reply