Somaliland oo ka Qayb-galaysa Tartan Orodada Caalamiga  ah

0
382

Hargeysa (Dawan) Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland ayaa shaaciyey laba orodyahan oo Somaliland uga qayb geli doona tartan caalami ah oo lagu qaban doono dalka Jabouti.Munaasibada lagu shaacinaayey orodyahanadan ayaa waxa kasoo qayb galay Agaasimaha waaxda Ciyaaraha ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland, guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland ,Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Somaliland, Hogaanka Ciidamada Qaranka Somaliland iyo masuuliyiin kale.

Waxa ugu horeyn halkaas ka hadlay Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, waxaanu sheegay in ay tabobar adag siin doonaan ciyaartoyda ka qayb geli doonta tartanka ka dhici doona dalka Jabouti oo ay Somaliland ka qayb geli doonto.

Ciyaartoydan oo ka tirsan kooxda Ciidamada Qaranka ee Gaashaan ayaa lagu soo xushay tartan dhinaca orodada ah oo ka dhacay garoonka Hargeysa Stadium ee magaaladda Hargeysa, iyaga oo kaalmaha kowaad iyo labaad ka galay tartankaasi, waxa uu sidoo kale Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland sheegay in ciyaartoyga galay kaalinta saddexaadna uu noqon doono kaydka ciyaartoydan oo lagu bedeli doono haddii mid kamid ah ciyaartoydan uu wax la kulmo.

Waxa iyaguna goobtaas si wada jir ah uga hadlay hogaanka ciidamada Qaranka Somaliland iyo Abaanduulaha ciidamada Qaranka Somaliland, iyaga oo hambalyeeyey orodyahanadan ku ordaayey magaca ciidanka Qaranka Somaliland ee Gashaan ee ku guulaystay tartankaas, isla markaana Somaliland ku meteli doona tartanka Ciyaaraha orodada ee dalka Jabouti ka dhici doona.

Tartankan ciyaartoyda lagu soo xushay ee ka dhacay garoonka Hargeysa Stadium ayay ku kaalmaha hore ka galeen orodyahano ka socday kooxda Magaca ciidamada Qaranka Somaliland ku ciyaarta ee Gaashaan, kuwaas oo kala ahaa. 1: kaalinta kowaad waxa ku guulaystay Fu’aad Siciid Cali2: Kaalinta labaadna waxa ku guulaystay Xamse Haybe Aadan

Leave a Reply