Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland ayaa  Shaqaaleysiiyay Muwaadin Isu Xilqaamay Daryeelka Kitaabka Qur’aanka ah

0
467

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Maxamed Axmed Faarax, oo ah muwaadin ay warbaahinta qaranku ka samaysay warbixin isagoo goobaha Qashinka lagu qubo ka ururinaaya Xaashiyaha Qur’aanka iyo Axaadiista ee  goobahaas ku dayacan.

Wasiir Khaliil wuxuu muwaadinkaas uga mahad celiyay sida mutadawacninada ah ee uu goobaha xashiishka uga ururiyay Xaashiyaha Kitaabka Qur’aanka Kariimka, Waxaanu bulshada ugu baaqay in xilweyn la iska saaro Kitaabka quraanka kariinka ah, waxaanuu soo jeediyay in ubadkana lagu barbaariyo weynayntiisa iyo inay dayaca ama googo’a ka ilaaliyaan.

Qaar ka mida culimo awdiinka Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa dhankooda u duceeyay Maxamed Axmed Faarax, iyagoo Alle uga baryay in uu ka abaaliyo hawshaasi wanaagsan ee uu qabtay.

Muwaadin Maxamed Axmed Faarax, oo halkaas ka hadlay ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo dhammaan dadkii usoo duceeyay ee ku bogaadiyay shaqada uu qabtay waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay in shaqo laga siiyo wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Ugu dambayna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa Shahaado sharaf iyo abaal marin ku maamuusay Muwadinkaasi.

Leave a Reply