Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Tartanka Horyaalka Naadiyada Heerarka Kala Duwan

0
1047

Hargeysa (Dawan) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Siciid Khaawi, oo u waramaayay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegay in ay fureen tartanka horyaalka Caasimadda oo ay ka qayb gelidoonaan naadiyada heerka kowaad labaad iyo sadexaad.

Agaasime Khaawi waxa kale oo uu sheegay in muddo badan tartan noocan oo kale ah ay sugayen dhaliyada dalku, iyagoo ku taamayay in ay ku muujiyaan xirfadooda ciyaareed, iyadoo kooxaha tartankan loo qabanaayo ay u kala bixi doonaan heerarka kala duwan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Maxamed Siciid Khaawi, waxa kale oo uu xusay in tartankani socon doono muddo sanad ah, kaas oo la ciyaarayo todobaad kasta,   maalmaha ciyaarahaasi fasaxa yihiina la qaban doono ciyaaraha degmooyinka, sanadkanina uu noqonaayo markii ugu horaysay ee ilaa heerkaasi kor loo qaado ciyaaraha Kubadda Cagta.

Ugu dambayn agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland  wuxuu ballan qaday in tartano kale oo kan la mid ah ay ka furayaan goboladda Dalka, iyadoo kooxaha ka soo baxa tartanadaasi ee guulaysta iyo kooxaha ka soo baxa horyaalka Caasimadda loo qaban doono tartan kale oo ciyaareed, kaas oo lagu sii kala saari doono.

Leave a Reply