Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta oo tababar loo furay

0
403

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ayaa tababar u furay agaasimeyaasha Waaxyaha wasaaradda iyo madax-qaybeedyada, kaaso ku saabsan habka qiimeynta Shaqaalaha iyo dabaqaada qorshaha Wasaaradda.

Tababarkan oo hal maalin ka socday, xarunta Wasaaradda, ayaa waxa goob-joog ka ahaa saraakiil ka socday Hay’adda shaqaalaha Dawladda, waxaana ka qaybgalay madaxda laamaha Wasaaradda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Maxamed Yuusuf oo furitaankii tababarka ka hadlay, ayaa kula dardaarmay ka qaybgelayaasha in ay ka faa’idaystaan aqoon-korodhsigan, kuna dabaqaan shaqada xafiisyada ay madaxda ka yihiin.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply