Xisbiga Kulmiye oo qaabilay sagaal Murrashax oo isku deegaan ah

0
399

Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa munaasibad kooban oo uu ku qaabilay sagaal Murrashax oo ka soo jeeda Gobolka Howd ku qabtay xarunta dhexe ee Xisbigaasi ee Magaalada Hargeysa.

Murrashaxiintan, ayaa u tartamaya Golaha Deegaanka Degmada Baligubadle, waxaana gelbinayey xubno kamida Golaha Wasiirrada, Siyaasiyiin, waxgarad iyo aqoonyahanka deegaanka Murrashaxiintu ka soo jeedo.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka gelbinayey Murrashaxiinta, ayaa sheegay in ay yihiin murrashaxiin shariban oo isugu jira kuwo waayo arag ah iyo qaar horeba xilal uga soo qabtay laamaha dawladda.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maalgashiga Maxamed Axmed Cawad oo halkaa ka hadlay ayaa murrashaxiinta u rajeeyey in ay ku guulaysan doonaan manaasiibta loo xulay ee ay u tartamayaan.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga kulmiye Axmed Cabdi dheere oo halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey murrashaxiintan muwaafaqada iyo midnimada lagu soo xulay.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply