Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo sharaxaad ka bixiyey geedi-socod Dimuquraadiyada Somaliland

0
1054

xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo kamida mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa faahfaahin ka bixiyey geedi-socodka hanaanka Dimuquraadiyada, Doorashooyinka iyo dhismihii goleyaasha xeer-dejinta dalka dariiqii loo soo maray.

Xildhibaan Cabdiqaadir oo ah mudane kamid ahaaa labadii gole wakiil ee Somaliland yeellato, isagoo xalay ka hadlayey kulan lagaga hadlay geedi-socodka dimuquraadiyada oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in golaha Guurtidu yahay hay’ad lagama maarmaan u ah metelaada bulshada, hase yeeshee loo baahan yahay in sharci loo sameeyo qaabka lagu cusboonaysiin karo.

Cabdiqaadir Jirde waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyey sababta keentay in Kursiga Golaha Guurtidu uu noqdo mid dhaxal-tooyo ah, taasoo uu tilmaamay in aanay ahayn arrin sharci ah, balse loo jideeyey in lagu daryeello qoyska agoonta ah ee uu ka baxay xildhibaanka dhintaa.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply