Dawladda Hoose ee Laascaanood oo Hirgelisay Dugsigii Labaad ee Xirfaddaha Farsamada Gacanta 

0
607

Qore: Faysal Xiis Afgaab 

Laascaanood (Dawan)- Dawladda hoose ee degmada Laascaanood ayaa magaaladaasi ka hirgalisay dhismaha dugsigii labaad ee loogu tala galay in lagu barto xirfadaha kala duwan ee farsamada gacanta.

Munaasibad lagu furayay dhismaha dugsigaas ayay kasoo qayb galeen Meeyarka degmada Laascaanood, Cabdicasiis Xuseen Taarwale xoghaya fulinta dawladda hoose, Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Sool, guddoomiyaha ururka haweenka ee Now, iyo xubno kale Waxana dugsigaasi hirgalintiisa ka qayb qaatay ururka VNG, Ururka dawladaha hoose ee Netherland iyo ururka dawladaha hoose ee Algasal ee JSL.

Daahir Maxamed Axmed Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Sool ayaa sheegay inuu dugsigaasi yahay mid muhiim ah kaas oo lagu baran doono xirfadaha sida Laydhka, iyo Dawaarka waxaanu ku baaqay in laga faa’iideysto.

Dhinaca kale wargeyska Dawan oo xalay wax ka waydiiyay Maayerka Degmada Laascaanod Cabdicasiis Xuseen Taarwale Dugsiga farsamada gacanta ee la furay iyo tirada ardayda dhigata iyo siduu u shaqeeyo isguulkii hore ee farsamda gacanta ee Laascaanod, ayaa yidhi.

“Dugsigan cusub ee farsamada gacanta oo ah kii labaad ee laga hir-geliyo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxa hadda lagu bilaabay oo wax lagu barayaa afartan (40) arday oo baran doona xirfadaha farsamada gacanta, sida korontada iyo dawaarka.”

Maayarka Laascaanood mudane Cabdicasiis Xuseen Taarwale, waxa uu sheeay in sannadka dambe ay u qorshaysan tahay in ay tirada ardayda gaadhsiiyaan 120 arday, isla markaana ay hillaadinayaan mustaqbalka dhaw sidii loo ballaadhin lahaa dugsigan, isla markaana la gaadhsiiyo gobolada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu yidhi “Dugsigii hore ee farsamada gacanta magaalada Laascaanood, waxaa la furay bishii 11-aad ee sannadkii hore ee 2020-ka, waxaana dhigta arday tiradoodu gaadhayso 60 qof, kuwaas oo barta xirfadaha gacanta ee kala duwan, kaas oo loogu talo-galay in kor loogu qaado xirfadaha gacanta si ay bulshadu isugu filnaato oo ay kaalin weyn uga qaataan horumarka iyo wax-soo-saarka dalka.”

Leave a Reply