Guddoomiyaha Maxkamadda sarre oo Qaabilay Madaxa Bariga iyo Bartamaha Afrika u Qaabilsan Ururka Dhismaha Nabada

0
702

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed oo uu wehelinayay la taliyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27/02/2021, shir la yeeshay madaxa Ururka caalamiga ah ee dhismaha nabadda (Interpeace) Mr Theo Hollander oo ay wehelinayeen Muuna Ducaale, Axmed Cabdiraxmaan iyo Cabdicasiis Muuse.

Wada xaajoodka oo daarnaa sidii loo horumarin lahaa dhismaha nabada, xalinta khilaafaadka iyo xoojinta garsoor iyo cadaalad waarta ayaa lagu lafa-guray, sidii ururka Interpeace ugala shaqayn lahaa Jamhuuriyadda Somaliland  arrimahaasi.

Mr Theo Hollander ayaa Somaliland ku bogaadiyay horumarinta togan ee ay ka sameeyeen nabada, xalinta khilaafaadka iyo dedaalada ay ugu jiraan sidii ay xasilooni waarta uga abuuri lahaayeen mandaqada. Waxaanu balan-qaaday in ay xoojin doonaan wada shaqaynta ay la leeyihiin Somaliland.

Geesta kale guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, ayaa hoosta ka xariiqay in dunidu cashar ka baran karto Somaliland, marka la eego shirarkii dib-u-heshiisiinta kuwaasi oo sal-dhig u noqday helida nabad ay heshiis ku yihiin dhammaan muwaadiniinta dalku, waxa kale oo uu guddoomiyuhu tibaaxay sida gasroorka dalku u fidiyay adeegii garsoorka, kaasi oo suurtaligay in deegaanada ka fog magaalooyinka waaweyni helaan xuquuqohoodii aas-aasiga ahaa oo laga hirgaliyay maxkamado u adeega. Halka maxkamadaha guur-guurana sannad walba dar-dar galin hor leh lagu sameeyo, si loo adkeeyo adeega garsoorka bulshaduna uga baaqato socdaal ay usoo gali lahaayeen magaalooyinka waaweyn. Taasi oo dhabaha u xaadhay, sidii muwaadiniintu xaqooda ugu heli lahaayeen sifo nabdoon.

Leave a Reply